BADANAA QALIN JABINTU+BA”ANAA CAMAL LA”AANTU+BAADISANAA DHAQAALAHEENU+BOOBI OGAA MADAXDEENU+QAJEEL WAABAY INAGUSOO BARATAMAYAAN +BARAARUGEENUNA LIITISANAA By: Cabdilaahi Janta

0
3390

jantaWaa fiid waxaan horfadhiyaa mid kamid ah shaashadaha muuqaalka ku baxa ee afsomaliga ah wixi ugu horeeyay ee aan maqlo ayaa ahayd war kusaabsan tiro arday ah oo qalin jabisay oo gaaraysa in kabadan 700 waxanan hore u ogaa qalin jabin kale 00 ka badan 400 waxan sugayaa jaamcado kale oo in ay ka tiro badnaadaan mooyaane aan ka yarayn waana mid joogto ah sanad kasta’  runtii waa war farxad leh si fiican u dhugtay una daawaday waa wajiyaal rag iyo dumar ah oo aad u faraxsan xidhan dhar madaw iyo koofiyado qaar ubaxyo ayay haystaan  waxayna u muuqdaan dad guulaystay’ niyada ayaan hambalyo cid kale maqal ka holatay runtii waa maalin ku weyn’ weyna ku raaxaysanayaan lakin ninkasta waxaa uu laabta ku haystaa waayahiisa gaarka;

Waxay kamaradii qabatay saf dheer oo kuraas iyo miisas qurux badan ku wareegsan waxan u haystay macalimiintii iyo marti sharaf kale mise waaba madaxweynihii qaranka  iyo golihii wasiiradiisi yaabay oo waxaan is weydiiyay waar meeshu malaha maaha goob arday ku qalin jabinayso ee weriyaha ayaa qaldan u fiirsaday oo waaba xaqiiq cajab!;

Waxaa dhab ah in sanad kasta ay jaamacadaha dalka kazoo qalin jabinayaan kumanaan arday oo ah wiilal iyo gabdhaba hadaba xilimaa ay dhacdaa in ardaygu qalin jabiyo’ waa wadiiqa dheer oo ay kazoo qayb qaateen mujtamac badan maalintii la qoray galaaska kowad ilaa maanta oo uu qalin jabinayo waxaa aad is weydiisaa immisa caqabad ayaa ardaykan lasoo kulantay imisa jeer ayuu soo galay imtixaano imisa jeer ayuu akhrinta iyo qoraalka ku xiiqay imisa jeer ayuu qaar badan oo kamid ahi ku kalaheen qureec la”aan imisa jeer ayuu ardaygu lakulmay cadceed dhidid iyo dhafoora qabsi gaadhsiisay imisa jeer ayaa boqolaal arday horteeda lasoo taagey iyada oo la weydiinayo lacag aanu hayn laguna ciqaabay laguna cambaareeyay

Waxaa iyadana la dafiri Karin waalidkii kusoo dadaalay siduu ilmihiisu maalin usoo gaadhi lahaaa maalinta qalin jabinta ogaw waalidkasi waa mid soo muujiyay geesinimo waxaa in badan oo kamid ahi shaqo u ahaa biyoolanimo kuuli wastaad xashiish qaad maxumo shaqooyinkaasi laakiin ogaw waa shaqooyin adag qabashadooda hadaba waalidkii shaqadaa ku maareeyay in ubadkiisu gaadhaan ilaa heer jaamacad ay kabaxaan maxaynu ugu yeedhanaa?  Bal magaca maqaalkani u bixiyo ka eeg xaga dambe

Akhriste hadaan kazoo hadalnay dadaalkii ardayga  taageeridii waalidka iyo muuqaalkii madasha qalin jabinta waxaanisku dayaynaa in aan wax ka iftiimino himilada iyo hiigsiga ardayga iyo waalidku leeyihiin halka ay kasocdaan iyo halka ay usocdaan hawraar wax matartee aan ku bilownee ardaygu waxaa uu filayaa inlaga bilaaboi  maalinta uu qalin jabiyo uu isagauna bilaabo in uu dib u celiyo abaalkii waalidkii sidoo kale  mardambe aanu noqon ku tiirsanaade ee uu noqdo lagu tiirsanaate waxaa uu filayaa in subaxii uu baxayay isaga oo sida buugaag uu maanta baxo isaga oo sida cardkii shaqo waxaa uu filayaa in uu dalka diinta iyo dadkaba uu wax u qabto waa maalintii ay isku soo baxsadeen isaga oo naftiisa iyo noloshiisa ka masuul noqday lagamana yaabo in uu mardambe helo xanaanayntii waalidkii waayo waalidku waxa uusoo dhabar adaygay waayo adag waxana isaga laftigiisu filayaa in aqoonyahaynka uu soo koriyay badal u noqondoono waana dareeno dhab ah oo is xambaarsan filasho wacan 90%

Aan kusoo noqono garoonka iyo goobta qalin jabinta in door ah markii aan maqlay hadaladii madaxda wasiirada ubadnaa waa hadal yaqaano midba midka kale ka afmiishaarsan yahay waa hadal dhamaan wada wax qabad ah waa soo dhaweyn diiran waa hambalyo iyo hadaan faraxsanahay maadama aan joogo goobtan quruxda badan mar mar ayaad is odhanaysaa waar malaha xafisyada wasaaraduhu ma dhulkaa lagu shaqeeya

Hala hadlo ee maxaa lagu hadlay maxaa ka natiijo ah maxaa loo hayaa kumaankun kan arday ee sharaabkii ay iska soo ururiyeen lala cabay maxaa loo diyaariyay tolow Malaga bixinayaa shidaal yar oo gaadhsiiya xuduudka waxaa wax laga xumaado ah in arday reer somalil;and ah oo wax soo baranayay ku dhawaad labaatan sano in maanta markii uu qalin jabiyay aanu hubin wax uga dambeeya waxaa wax laga yakhyakhsooda ah in rag wasiiro ah inta ay madax weynihii qaranka soo hor kacaaan hadal aan waxba uga dambayn la hor yimaaden arday u jeel qabta shaqo iyo wax qabda dhab ah iskuma dayi doono in aan madaxweynaha hadalkiisa soo qaato amase soo xigto waayo ma doonayo in aan rajo tiro kumaankun ka sanad kabacdina soo bxi doona  laakin waxaa yaab iyo anfariir igu noqotay

Markii aan maqlay wasiir casho ku casuumay in kabdan 416 arday isla goob muwaadibn ma isweydiisay halkee ayuu wasiirku ka keenay kharashka cashada ma qanibaa ma hanti uu leeyahay ayuu tallow usoo xaraashay sidii uu ugu bixin lahaa tallow mushaaradkiisu ma ku filan yihiin in uu casho intaa leeg sameeyo ma miisaaniyada dawlada ayay kujirtay cashooyinku mabaan maqale?ma ololaa jiroo tallow waa musharax waxooga qurbaha kazoo ururiyay ilayn waan ognahay in ayna dalka oolin lacagtaasiye?mise waa xoolihii iyaga oo abaarsan dadku usoo bxiyeen wadooyinka ay sanadka waxoogaa macaashka ah laga helay? Saw suqaarku ka wanaagsanaan ardayga?

Sida ay doontaba hanoqotee waxaa iska cad in ay tahay lacagtii dadka cashuurtii lagasoo qaaday wadhatada wadooyinka daadsan waxaa cajiib ah marka shilinku ururo ee uu isku badalo dollarka macaanidiisa

Runtii waa hanti laxajeclo weyday waa hanti markii qiyaastii accounkii buuxsamay soo dhex siyaaqaysa hudheeladii waxaan jecelahay in wasiirku ogaado in dadku ogyihiin allena arkayo masiirka ubaahan wax qabdna lagu duufsan Karin casho waxaa kale oo loo baahan yahay in wasiirku ogaado haduu dhalinyarta siiyay HARAKOO MACAL SAA’ID AH ayna taasi ahayn mid lagu hantiyi doono qalbigooda s

Waxaa kale oo cajiib ah sida sida ayna  dadkeenu marna ugu baraarugsanayn waxa ay xaq uleeyihiin iyo waxa xaq loogu leeyahay Waa qaran uu dishooday af daacada iyo uur dedan waxaan ku talin lahaa in hadii aan dadka loo naxayn in aakhiraduun la eego waxba ha tarine adiguun ha istooriyayn  dab haku dhicin hana ku ridin ubadkaga iyo ooridada magacau maaha ka maalmo ifee magacu waa ka maareeya bulsho sidaa awgeed cantuuga weynidu waa cadawga dalkeena aan is caabino nin shaqadii loo diray gabay in hadana uu dabaasho waxaynu maal lahayn saw cajiib maaha.

 

By: Cabdilaahi Janta

geedbalaadh44@hotmail.com

Hargeisa,Somaliland

LEAVE A REPLY