Wasiir Sacad Iyo Maareeye Cali Xoor Xoor Oo Kulan La Yeeshay Salaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil Iyo Su’aalo Kakan Oo La Waydiiyay

0
800
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo maareeyaha dekeda berbera Eng Cali Xoor-xoor ayaa habeen hore kulan albaabadu u xidhan yahay la yeeshay salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka saaxil kuwaasi oo ay ka wda hadleen xaalada kacsan eek a taagan gobolka saaxil eek u saabsan wareejinta dekeda berbera.

 

Kulankan oo ka hacay habeen hore guri ku yaala xaafada boqol iyo kontanka ee magaalada hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay oo goob joog ka ahaa dhamaan masuuliyiinta deegaanka berbera kaga jira xukumadda sida wasiiro xigeenada,agaasimayaasha badhasaabada maareeyayaasha iyo sidoo kale qaar kamida xildhibaanada golayaasha ee kasoo jeeda deegaaanka berbera.

 

Waxa gorfayn iyo dood ka dib su’aalo lala booobay oo si adag wax looga waydiiyay faa’idada ugu jirta mashruucan wareejinta dekeda berberaa deegaanka saaxil iyo guud ahaanba Somaliland,wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire iyo maareeye Xoor-xoor iyagoo mid md uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay waydiiyeen aqoonyahankii iyo salaadiintii kulankaasi ka qayb gashay sida ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen dadkii kulankaasi ka qayb galay waxa aad loo adkeeyey amniga kulankaasi waxaaan goobta joogay dhawr askari oo ay wateen wasiir Sacad iyo maareeye Xoor-xoor.

 

Su’aalihii ugu darnaa ee la waydiiyay Sacad Cali Shire ee uu ku gilgishay ayaa waxa kamid ahaa faa’idada deegaanka berbera ugu jirta wareejinta dekeda berbera iyo cda hindisaha in la wareejiyo dekeda keentay Somaliland,waxa kale oo ay waydiiyeen inuu garawsan yahay in markii loo wareejiyay wasaarada arimaha dibada uu socday hindisaha mashruucani wareejinta dekeda berbera oo ay danta wasaaradaasi loo geeyey ee laga lahaa uu kaw ka yahay mashruucan iyo sidii uu deegaankiisa  ugu mustafayn lahaa hirgalinta mashruucani si aanay tushuush ugu furin, waxa kale oo la waydiiyay waxa laga yeelayo shaqaalaha tirada badan ee deegaan ahaan ugu shaqeeya dekeda,waxaana laga yeelayo iyo sida uu heshiiskaasi dhigayo. Waxa kale oo su’aalo kuwaasi lamid ah la waydiiyay Eng Cali Xoor xoor iyada oo inta badan kulankaasi diirada  lagu saarayay oo wax laga waydiiyay wasiirka arimaha dibada oo isagu door wayn kulahaa heshiiskan.

 

Inkaste oo ay saladiintii iyo waxgaradkii kulankasi ka qayb galay ay sida la sheegay muujiyeen dareenka diidmada leh ee ay ka qabaan mashruucan,haddana shuruudihii adkaa ee loogu dhiibay iinay labadaasi masuul qasriga dalka looga arimiyo kulan noqdaan ayaa wax aka mid ahaa in beesha gobolka saaxil degtaa aanay marnaba ka raali ahayn in dekedii hore la burburiyo isla markaana la kala diro shaqaalaha ka hawl gala eek a shaqeya,iyaga oo sheegay inay ogol yihiin oo qudh in deked cusub lasoo kordhiyo oo la dhiso .

 

Waxaaan kulankaasi lagu lafo guray sida ay deeganka berbera uga xun yihiin hadalad naxliga leh ee ay warbaahinta usoo marinayaan reer saaxil ehelka madaxwaynuhu ee aan gabashada lahayn isla markaana at ugu badheedhayaan cayda iyo aflagaadada ay shaadhka dawlada ugu hanjabayaan iyaga oo sheegay inaanay marnba loo dul qaadan doonin.

 

Si kasteba ha noqotee waxya tahli kari wayday heshiiska mashruuca dekeda berbera,oo dareen mugdi lehi dul heehaabayo isla markaana ay dad badani u tilmaamayaan mid ay xukumaddan wakhtigeedu sii dhamaanayaa ku raadinayso dhaqaale iyo dhigaal dhakhli.

 

Xaalada wareejinta dekeda berbera ayaa keentay kacsanaan ka jirta gobolka saaxil.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here