Wasiir Saajin oo Guddoomiyay Kulan Ay Isugu Yimaadeen Hay’addaha Dowladda

0
654

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin), ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hay’addaha dowladda.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’addaha dowladda ee ku shaqada leh Ganacsiga, amniga, Socdaalka, Maalgashiga iyo Xafiiska Garyaqaanka guud.

Kulankan, ayaa waxa uu ahaa mid lagaga arrinsanayay arrimaha horrumarinta ganacsiga iyo ganacsatada raba in ay ganacsiyo ka sameeyaan dalka iyo soo jiidashada maal gashadayaasha.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Maalgashiga, Garyaqaanka Guud, Taliyaha Ciidanka Socdaalka, wasiir Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka mid ahaa masuuliyinta kulanka goobjooga ka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here