Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
1446

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac oo muddo 6 bilood ah u joogay goboladda Bariga arimo ku aadan maamul Daadajin iyo biixinta mucaawinooyinkii xukuumaddu u dirtay deegaankaas, ayaa maanta si

weyn loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda dalka ee Hargaysa.

Wasiir Sahal ayaa sheegay mudadii uu shaqada joogay uu deegaanada Badhan, Dhahar Yube ka dhagax dhigay mashaariico kala duwan oo horumarineed.

Waxaa kale oo uu wasiirku uu sheegay in uu halkaasi geeyay deeqo raashin iyo gargaar kale isugu jira isaga oo ka wakiila Madaxweynaha iyo Xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Wasiirku waxa uu dhanka kale digniin u diray maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay faro galin ku hayaan dadka iyo deegaanka bariga gobolka Sanaag.

Ugu danbayntii wasiir ku xigeenku waxa uu si cad u beeniyey warar aan xaqiiqo ahayn oo lagu baahiyay baraha Bulshada oo la xidhiidhay in uu shaqadda ku joogo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland madaxiisa.

Wasiir ku xigeen Sahal ayaa sheegay in uu shaqo kasta wakiil uga yahay Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa.

Wasiir ku xigeen Sahal waxa uu inta badan gacan weyn ka geysta hawlaha Nabadaynta, Maamul Daadajinta, Gurmadka Abaaraha iyo Xanuunadda Halista ah, waxaana haaboon in uu helo xilka Wasiir Buuxa ( Full Minister) maadama deegaamadda loo dirayo dadka ku nool ay Soomaaliya farogalin ku hayso isla markaana ay ku beerlaxawsanayaan xilal ay dadkaas uga magcaabaan Dawladdooda Maqaar-saarka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Puntland  soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here