Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo Kulan La Qaatay Safiir Ku Xigeenka Taiwan U Fadhiya Somaliland

0
2022

Hargeisa (Hargeisa Press)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa kulan la qaatey Safiir ku xigeenka wadanka Taiwan u fadhiya Somaliland Mr. Nabil Chen-Chi Wu.

Kulankan gudoomiyaha golaha Wakiiladu la qaatay safiir ku xigeenka Taiwan ee Somaliland ayaa waxaa ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, Gudoomiyaha gudi hoosaadka arimaha dibeda Axmed Cabdi Kijaandhe, Gudomiye ku xigeenka gudida arimaha dibeda Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale  iyo xoghayaha golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Kulanka oo saacado badan qaatey waxa gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland uu safiir ku xigeenka Taiwan u sharaxay horumarka baaxada leh ee Somaliland ka hano qaadey sodonkii sano ee u danbeeyey.

Waxaanu gudoomiye Baashe Safiirka uga xog waramay sida dalka Taiwan ay uga go’an tahay inay u xoojiyaan xidhiidhka ay Somaliland la sameeyeen.

Sidoo kale, waxa uu safiirku sheegay inuu si weyn ula dhacsan yahay horumarka, nabada iyo dimuqraadiyada qaan gaadhka ah ee Somaliland ku naaloonayso, isagoona sheegay in wadamo badan oo aqoonsi buuxa haysta ay Somaliland ka horumarsan  tahay.

Gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxames Faarax ayaa guud ahaan dalka warbixin ka siiyey safiir ku xigeenka islamarkaana ku dheeraadey kaalinta aan la dhayalsan karin ee Somaliland kaga jirto nabada iyo xasiloonida gobolka.

Dhanka Kale, waxa gudoomiye Baashe u safiir ku xigeenka Taiwan Mr. Nabil Chen-Chi Wu, uu u sharaxay maraaxilkii kala duwanaa ee golaha Wakiilada Somaliland soo maray iyo weliba doorka aqalka Baarlamanka Somaliland ku leeyahay horumarka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here