Ururada Bulshada Rayidka Ee Somaliland oo Ka Digay Dhaqan Gelinta Xeerka Kufsiga Ee Golaha Wakiiladu Ansixiyay

0
1748

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ururada bulshada Rayidka ee Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay xeerka Kufsiga ee golaha Wakiiladu shalay ansixiyay.

Ururada bulshada Rayidka oo ay kuwa Haweenku ka midka yihiin ayaa waxaa ay ka digeen dhaqan gelinta xeerkaasi kufsiga oo ay sheegeen inay saluug badan ka qabaan qodobo ku jira xeerkaasi.

Waxaa ay sheegeen in qodobaada ku jira xeerkaasi aanay cadayn maadama ay ku jiraan Dhagax ku dilis, Xadhig iyo Karbaash.

Sidoo kale, ururada Haweenka ayaa wada dedaalo ay doonayaan in xeerkan ay waxkaga qabtaan, maadaama iyaguna ay saluugsan yihiin.

Xeerkan ayaa waxaa la filayaa in uu dhowaan gudbo golaha Guurtida Somaliland.

Xeerkan ayaa kii hore ka duwan maadaama uu iskugu jiro kufsi iyo Sino, iyadoona xeerkii hore la odhan jiray xeerka Kufsiga, halka xeerkan la yidhaa xeerka Kufsiga iyo Sinada.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here