Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Oo Furay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Nadaafadda Cusbitaaladda

0
704

Hargaysa (HP): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa maanta furay mashruuc kor loogu qaadayo nadaafadda cusbitaaladda dalkoo dhan.

Wasiir ku-xigeenka waxaa ku wehelinayay furitaanka mashruucaasi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo agaasimaha madaxtooyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa furitaanka mashruucan qayb ka ahaa masuuliyiin ka socday hay’adda HAVOYOCO oo mashruucan ka gacan siisay wasaaradda caafimaadka ee Somaliland.

Daawo Hadaladii Laga Jeediyay Furitaanka Mashruucaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here