Hargaysa: Qoysas Danyara Oo Raashin Caawimo ah La Gaadhsiiyay

0
859

Hargaysa (HP): Urur ay ku bahoobeen Qurbo-joog reer Somaliland ah oo degen wadamo kala duwan oo fadhigoodu yahay Dalka Ingiriiska, ayaa deeq raashin ah soo gaadhsiiyey qoysas dan yar ah oo ku dhaqan magaalada Hargeysa ee caasimada JSL, taasoo ay u soo marsiiyeen Wakiillo dalka u joogga.

Mucaawimadan oo ka kooban raashinka daruuriga ah oo ay dheer tahay cuntooyinka xilliga Ramadaanta la isticmaalo,sida Timirta iyo Sharaabka, ayaa waxa shan iyo labaatan qoys oo loogu talo-galay ku wareejiyey Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo Wakiil u ah madasha Qurbo-joogga ee ku soo tabarucday.

Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo Wargeyska Dawan uga waramay mucaawimadan uu u qaybiyey qoysaska danyarta ah, ayaa sheegay in deeqdani qayb ka yahay barmaamuj la yidhaahdo afuri walaalka baahan oo uu sanad walba bixiyo Ururka uu wakiilka u yahay xilliga ramadaanta, kaasoo ay bisha soonka inta lagu gudo-jiro gaadhsiiyaan qoysas tiro badan degen Gobolada M/jeex iyo Gabiley.

“Hadda waxaanu raashinka u qaybinay 25 qoys guud ahaan, waxaanan siinay qoyskiiba, haaf Sonkora, haaf Daqiiqa, half Bariisa, karton shaha, Tanag Timira iyo Karton sharaab ah, waxa kale oo noo diyaarsan 25 qoys oo kale oo aanu iyagana gaadhsiin doono”ayuu u sheegay Wariyaha dawan isagoo ku guda jira qaybinta mucaawimadan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Wuu socdaa barmaamujkani ilaa dhamaadka bisha Ramadaan, cid kasta oo ka qayb-qaadaaysana wuu u furan yahay. dadka jeebkooda ka soo bixiyeyna alle wax khayr qaba ha ugu bedelo”.

Waxa uu intaasi ku daray in barmaamujkani uu soo socday muddo ka badan shan sanadood oo uu hadba marxalad iyo baaxad lahaa, sababta ay sanadkan u soo qadimeena ay tahay in ay dadka jilicsan ee loogu talo-galay kaga fujiyaan culayska nololleed ee ka dhashay cudurka Corona Virus.

Geesta kale Hooyo magaceeda ku sheegtay Ayaan oo kamid ah qoysaska taakulada loo qaybinayey, ayaa dhankeeda uga mahad-celisay muxsiinta kaalmadani ka timi, waxaanay alle uga bariday in uu ku abaal-mariyo wanaagyadiisa.

Xubno kale oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in ay baahi weyn u qabeen mucaawimada la siiyey , wax alle loogu mahad-naqo-na ay tahay samo-falka noocan ah.

Dadka raashinka quutal-daruuriga ah la gaadhsiiyey waxa kamid ahayd Hooyo Waayeel ah oo aan haysan cid nololsheeda daryeelsha iyo tamar ay isku bixiso toona.

Ururka mucaawimadan maal-geliyey, waxa ku midoobay qurbo-joog ka soo jeeda Degmada Dacarta ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Gabiley.

Si kastaba ha ahaatee, barmaamujkan ayaa dhiiri-gelin iyo hormuud u noqonaya ahmiyada ay leedahay in ay bulshadu isu naxariisato oo samo-fal loo fidiyo dadka danyarta ah ee ku nool dalka, iyadoo xilligana aad u soo kordhayso illaahaybaa wax bixiyee baahida danyarta ay saameeyeen caqabadaha dhaqaale ee ka dhashay xanibbaada uu dunida ku soo rogay cudurka saf-marka ah ee COVID19.

Waxaana in la is-xasuusiyo mudan in todobaadyadii u dambeeyey masaajidada magaalada Hargeysa ay culimadu kaga hadlayeen qoysas hayntooda horeba iyadoo liidatay, ay iminkana xaaladaha soo kordhay diciifiyeen oo tahli waayey helida quutal-daruuriga, kuwaasoo ay dantu ku khasabtay in ay xogtooda soo gaadhsiiyaan goobaha ay muxsiniintu ku kulmaan, si gacan loogu fidiyo.

Sidoo kale, Hogaamiyeyaasha dalka oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo, ayaa todobaadkan kor u qaaday dareenka la xidhiidha duruufaha qalafsan ee danyarta u weheliya cabsida laga qabo cudurka Corona Virus, inkasta oo talaabooyinka lagu caawinayo masaakiinta ee la qaaday ay kooban yihiin, sida uu dhaqaalaha dadku u liicayna ay tahay irbad qof kastaba ku mudan oo welwel ku haysa alle ayeynu ka baryaynaa faraj khayr qaba’e.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here