Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Dugsiyadda iyo Jaamacadaha

0
1069

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo xafiiskiisa imtixaanaadka qaranka Somaliland ayaa  fariin kama danbays ah iyo digniin adag u dirtay dugsiyadda waxbarashadda iyo jaamacadaha dalka.

Waxaanay sheegeen in aan la aqbali Karin dugsiyadda sare ee qaata arday aan haysan Shahaadadii fasalka 8aad iyo sidoo kale jaamacadaha qorta arday aan soo dhamaysan dugsiga sare oo aan haysan Shahaadadii.

Wasiirka waxbarashadda Axmed Maxamed Toorno, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Axmed Abokor, iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa si wada jir ah fariintaasi digniin ah u diray.

Masuuliyiintaasi waxay  sidan ka sheegeen hadallo ay  ka jeediyeen kadib kormeer ay  ku tegeen xarunta kulliyadda tababarka macalimiinta ee Woqooyiga Hargaysa.

Kormeerkaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa waxbarashadda macalimiinta ee ku jira kulliyadaasi oo isaga kala yimid dugsiyadda goboladda iyo degmooyinka dalka.

Waxaanay  wasiirka iyo masuuliyiinta kale intii ay kormeerka ku guddo jireen kulamo la yeesheen masuuliyiinta sare ee kulliyadda tababarka macalimiinta, kulamadaasi oo lagaga wada hadlayay sidii loo tayayn lahaa aqoonta macalimiinta.

 

Daawo: Hadaladii Masuuliyiintaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here