Xildhibaan Siraadle: Awdal iyo Sanaag Midna Kuraasi Kama Maqna, Cida Ay Waxka Maqan Yihiin Waa Sool iyo Selel

0
1639

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Siraadle oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shaaciyey gobolada ay ka maqan yihiin saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanku.

Xildhibaan Siciid Siraadle ayaa sheegay in cidda wax ka maqan yihiin ay tahay reer Laascaanood iyo reer Salel.

Waxaa uu Xildhibaan Siciid sidan ka sheegay doodii maanta ee Xildhibaanada golaha Wakiiladu ka yeesheen xeerka doorashooyinka iyo diwaangelinta cod bixiyayaasha.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Reer Laascaanood iyo reer Saylac oo keliya ayuu saami ka maqan yahay cidda uu kaga maqan yahayna cidd kale maahee waa labadooda gobol, Laascaanoodna na Caynaba ayuu kaga maqan yahay Saylacna Awdal buu kaga maqan yahay,Cidda ay wax ka maqan yihiin waa Salel oo Saylac ah iyo Laascaanood”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here