Wasaaradda Warfaafinta oo ka Hadashay Dab Kacay Istuudiyaha Idaacadda Radio Hargeysa

0
761

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, ayaa xaqiijiyey haba yaraatee in aannu wax khasaare ah gaysan dab qabsaday roog goglonaa mid ka mid ah Studio-yaasha idaacadda Radio Hargaysa gelinkii hore ee maanta.

Wasiir-ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Wasiirka oo saxaafadda la hadlay wax yar kadib markii la bakhtiiyey dabka qabsaday istuudiyaha koowaad ee Radio Hargeysa, waxa uu sheegay in agabka yaallay Studio-yahaas la badbaadiyey, isla markaana aannu jirin khasaare la xusi karo oo dabkaasi dhaliyey.

“Waxa maanta dhacay dab yar oo ka kacay Studio-ha Radio Hargaysa saacaddu markii ay ahayd 9:30 subaxnimo. Ilaahay mahaddii waa lagu guulaystay in la bakhtiiyo. Waxaannu filaynaa inuu ahaa shoodh ka kacay, wax khasaare ahna kama dhicin, hadday tahay qalabkii, cajaladihii iyo wax kastoo yaallay Studio-ha way ka badbaadeen, dabkaasina waxa uu ahaa mid qiiq sameeyey oo aan olol gaadhin, haba yaraatee wax khasaare ahna geysan, hawshii Wasaaradduna si habsami leh ayey u socotaa, wax saamayn ahna dabku kuma yeelan.”

Waxa kaloo Wasiir-ku-xigeenku uu u mahadnaqay dhammaan cid kasta oo ka qaybqaadatay damintii dabkaas, “Waxaan u mahad-celinayaa shaqaalaha iyo injineerrada Wasaaradda Warfaafinta, ciidammada booliska, dawladda hoose ee caasimadda iyo maamulka Gobolka Maroodi-jeex oo gacan ka geystay bakhtiinta dabkii yaraa ee ka kacay istuudiyaha idaacadda Radio Hargeysa,” ayuu yidhi Md. Md. Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here