Daawo Muuqaal: Khilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Golaha Caasimadda Hargeysa iyo Dhaliilaha la Isu Jeediyey

0
861

Hargeysa, (HargeisaPress) — Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa iyo Maayirka caasimadda, kuwaasoo isu jeediyey eedaymo kala duwan oo weerar iyo difaac ah.

Buuq iyo sawaxan culus, ayaa hadheeyey fadhigii golaha degaanka caasimadda ee maanta, kadib markii maayirka iyo xildhibaanno golaha ka tirsan isku maandhaafeen qodobadda lagaga hadlayo fadhigaasi, iyadoo xildhibaannadu ku doodeen in laga hadlo mooshin khuseeya qodobo hab-maamulka golaha, halka maayirkuna ku adkaystay in la ansixiyo ajande afar qodob ka kooban oo ay hore xildhibaannadu uga biyo diideen.

Koox xildhibaanno oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa eedaymo kala duwan u jeediyey Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ay ku doodeen inuu jabiyey shuruucda u yaal golahooda, loona baahan yahay in lala xisaabtamo, halka maayirkuna isna dhankiisa warbaahinta u sheegay in xildhibaannada buuqa sameeyey ku socdaan kursigiisa, isagoo iska difaacay eedaha ay u jeediyeen.

 

Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox) oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada Golaha Degaanka Hargeysa, kana mid ah xildhibaannada ka cadhooday qaabka maayirku u maamulo golahooda, ayaa faahfaahin ka bixiyey mooshin la doonayey in lagaga doodo fadhigii golaha ee shalay, laakiin maayirku horjoogsaday.

Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Waxar),  ayaa isna dhalliilo kala duwan u jeediyey maayirka Hargeysa oo uu ku eedeeyey in aannu waxba ka fulin qodobo hore looga wadahadlay oo la xidhiidha maamul-daadejinta dawladda, samaynta guddida qandaraasyda, qaabka loo maamulo misaaniyadda golahooda iyo in guddi loo saaro magacyada loo bixinayo waddooyinka caasimadda Hargeysa.

“Fadhigii Golaha Degaanka ee saaka waxa ka dhacday fawdo, waxayna ahayd in ajandayaasha maayirku wato meel la iska dhigo ilaa inta laga doodayo mooshinka la xidhiidha waxyaabaha hore loogu heshiiyey, maayirkuna taas wuu ka dhego-adaygay, wuuna diiday, saakana (subaxnimadii shalay) wuxuu ka bilaabay waxaynu ka doodaynaa ajandihii, waxaannanu ku nidhi; ‘maayir, ajandaha waxa ka horreeya mooshinkii yaalay ee inta nin xildhibaan ah soo jeediyey, toddoba kale oo xildhibaanna taageereen, kaasaana ka horeeya ajandaha in laga hadlo, fawdaana ka dhacday, maayirkuna isagaa iska qortay oo yidhi; ‘ajanduhu wuu ansaxay.’ Waxaasina wax soconaya maaha,” ayuu yidhi xildhinaan Cismaan Waxar.

Dhinaca kale, Maayirka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) oo saxaafadda la hadlay isna, ayaa ka jawaabay eedaha ay u jeediyeen xildhibaannada golaha degaanka ka tirsan, waxaannu xusay in xildhibaanno tiro yar ay buuq ka sameeyeen fadhigii golaha ee shalay, waxaannu maayirku si gaar ah uga jawaabay dhalliilo musuqmaasuq oo uu xildhibaan  Cismaan Waxar u jeediyey.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here