Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Caqabadaha Haysta Dhallinyarada Somaliland Qabatay + SAWIRRO

0
855

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyo Hay’addaha Shaqodoon iyo Save The Children ayaa si wada jir ah u qabtay dood cilmiyeed si heer sarre loo soo agaasimay, kaas oo ku saabsana laguna falanqeeyay caqabadaha ku gedaaman guud ahaanba dhallinyarada dalka.

Dood cilmiyeedkan oo ka dhacay Dalxiis Hotel ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin, dhamaan qeybaha bulshada, aqoonyahano, dhallinyaro, haween, naafada iyo bulshada la hayb sooco, waxaana.soo qaban-qaabiyeen xidhiidhada kubadda cagta, kubadda kolleyga, ciyaaraha fudud, Chess-ta, SONYO, Nagaad, Socsa iyo Xarunta Kedyka, Hiddaha, Dhaqanka, Akhriska iyo Qoraalka ee Maxamed Mooge.

 

Ugu horeyn waxaa dooda furay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyara iyo ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu ka waramay ujeedada doodan loo qabtay iyo muhiimada uu dhallinyarada u leeyahay β€œWaxaan ku faraxsanahay in dood cilmiyeedkan ku saabsan caqabadaha hortaagan dhallinyarada Somaliland aynu ku kulano, waxaana ka wasaarad ahaan u mahad-celinaya cidkasta oo qabsoomida kulankan gacan ka gaysatay. Maaha kulankii ugu horeeyay ee ceynkan oo kale ah ee wasaarad ahaan aanu qabano mana noqon doono kii ugu dambeeyay, waa run maanta dhallinyaradeena waxaa jira caqabado hortaagan kuwaas oo saameyn ku yeesha laakiin taas waxaa lagaga gudbi karaa inagoo si wada jir ah dedaal ula nimaadna” ayuu yidhi.

Waxaa isaga oo hadalkiisi sii wata uu yidhi β€œSomaliland tirada ugu badan waa dhallinyaro, iyada oo ay sidaas tahay oo ay ahayd inay dalkooda aaminaan oo meel u dhaantaa aanay jirin ayay haddana ka cararayaan oo ay ka tahriibayaan oo ay badahaas ku dhamaanayaan, waxaynu doonaynaa in doodan aynu kaga hadalno arrimahaas iyo dhibaatooyinka kale ee balwadaha iyo shaqo la’aan dhallinyarteena haysata looga bixi lahaa. Xukuumadda talada haysaa waxay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta dhallinyarada oo taladii dalka ayay ka qeyb-gelisay, oo ciyaarihii ayay kor u qaaday laakiin hadana caqabado uun baa jira waana ta aynu rabno inaynu ku falanqayno halkan”.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka socday hay’addaha Shaqodoon iyo Save The Children, waxaana ay si wada jir ah uga hadleen faa’idada kulamada ceynkan ahi u leeyahay dhallinyarada Somaliland, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inay muhiim ay tahay inay dhallinyaradu ogaato caqabadaha saamaynta ku ah ee ka hor-taagaan inay horumar ku talaabsadaan.

Masuuliyiinta dood cilmiyeedkan ka soo qeyb-galay oo kala ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciilka, Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Md. Khadar Axmed Diiriye, Agaasimaha ururka haweenka Nagaad Nafiisa Yuusuf Maxamed ayaa si wada jir ah wasaaradda ciyaaraha iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay qabsoomida doodan ku boggaadiyey, waxaanay xuseen in caqabadaha dhallinyarada hor-taagan lagaga bixi karo dedaal ay la yimaadaan dhallinyaradu iyo iyada la iskaashado.

Intii uu socday dood cilmiyeedkani ayaa waxaa fikrado iyo arragtiyo is weydaarsanayay ka qeyb- galayaasha dood cilmiyeedka, waxaana ay si heer sarre ah uga jawaabayeen su’aalo ku saabsan fikradahooda ay ka qabaan caqabadaha hor-taagan dhallinyarada Somaliland, iyagoo dhammaantood siyaabo kala duwan u xusay isla markaana tilmaamay iskuna waafaqay inay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan dhallinyarada dalka.

Ugu dambeyntii dood cilmiyeedkan ayaa waxaa soo afmeeray wasiir xigeenka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas, waxaana uu soo dhaweeyay kulamada ceynkan oo kale ah, isaga oo xusay in dhallinyarada Somaliland ay maanta yihiin cududa dalka sidoo kalena wuxuu ugu baaqay inay aragti midaysan ka qaataan dhibaatooyinka ku gadaaman nolashooda.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here