Diiwaan Galintii Madaniga Ahayd Oo Noqon Wayday Sidii Wasaarada Arimaha Guduhu Ballan Qaaaday.

0
961

Bismilaah; waxa beryahanba isasoo tarayay hadalada sheegaya in ay bilaabmi doonto diiwaan gacalintii codbixiyayaasha doorashoyinka Somaliland, yadoo dalku diiwaan galin hore galay oo ahayd diiwaan galintii madaniga ahayd taas oo markii hore shuruuud looga dhigay in aanay diiwaan galinta codbixiyayaashu bilaami Karin ilaa inta la helayo aqoonsida dhabta ah ee muwaadiniinta Somaliland, aqoon sigaas dhabta ah oo aan wada gaadhin badiba bulsho waynta reer Somaliland.

Kaadh kaas aqoonsiga ee muujinaya Somalilanders-ka ayaan wada gaadhin guud ahaanba dalka taas oo ay masuuliyadiisa leedahay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ee uu masuulk ka ayahay Cali Maxamed Warancadde, yadoo qorshuhu markii hore ahaa in dhamaanba dadwaynaha Somaliland la wada siiyo kaadhka aqoonsiga ayaan suura galin taasoo laga bixiyay uun kaadhka meelo kooban oo ah magaalooyinka waawayn oo aan haba yaraatee dadka laga diiwaan galin tuulooyinka iyo goobaha ka baxsan magaalooyinka waawayn.

Hadaladii adkaa Ee Wasiirka Wasaarada Arimaha Guduhu uu hawada u marin jiray bulshada ee ahaa cidii qaadan wayda kaadhka aqoonsiga aanay waxa xuquuq ah ku lahayn Somaliland, taas oo ay dadkii la’a yihiin meel ay iska diiwaan galiyaan iyo cid diiwaan galisa, taasoo ay u sii dheertahay dadkii is diiwaan galiyay oo aan mudo ku dhow lix bilood helin kaadhkii la yidhi waa laydin siinaya, taasina waxay muujinaysaa in maalmaha hore uun lasoo hadal qaado wixii cusub inta danbena ay isku fadhiisato xaajadu oo nin waliba jiifka uga dhaco.

Waxa ayaan darro ah kaadhkii Wasaarada Arimaha Guduhu ay lahayd qofka aan sidan huteelada seexan maayo, xawaaladahana waxba ka qaadan maayo, hantida ma guurtada ahna laga iibsan maayo la’aantiis uu maanta fashilmay oo aanu haba yaraatee ka duwanayn diiwaan galintii 2008 ay samaysay xukuumadii Daahir Riyaale, oo xiligaasba Cali Maxamed Warancadde uu wasiir ka ahaa.

Tusaale ahaan dadkii iska diiwaan galiyay magaalada Burco oo ku dhowaad ay ka furnaayeen 70 goobood ayaa la yidhi kaadhkii waxa laydinka siinayaa laba goobood oo aan waliba mid la hubin, taasina waxay keentay inay bulshadii kasii samraan kaadhkii ay inta badan naawilayeen.

Hadaba wasaarada arimaha guduhu ma yada lafteeda ayaan daacad ka ahayn hawshan mise waa waxa jira duruufo dabada ka riixaya oo aanay u qaban Karin hawsha ay ballan qaaday inay dalka wada gaadhsiinayso.

Sidas darteed waxaad moodaa inuu qiimaha ahaan hoos u dhacay kaadhkaas aqoonsiga muwaadinku waayo markii hore wuxuu qorshuhu ahaa in aan cidina qaadan Karin kaadhka codaynta ilaa uu qofku qaato kaadhka aqoonsiga ama kaadhka muujinaya inuu Somalilander yahay, hadaba miyaanu xaalku noqonayn “ Ma Raydabtaan Arayabtii Ahayn Mise Rimaygu Ka Soo Dhacdiibaan Run Ii Sheegin” taas oo ah ma wasaarada arimaha gudaha ayaa tii markii hore xoojinaysay ahayn mise kaadhka ayaan kaadhkii la sheegayay ahayn, arintaas oo dadka reer Somaliland mashquul badan ku abuurtay runtii.

Run ahaantii wasaarada arimaha gudaha ee uu gadhwadeenka ka yahay Cali Maxamed Warancadde ayaa ku fashilantay inay ku guulaysato kaadhkii aqoonsiga muwaadinka ee ay ballan qaaday inay wada gaadhsiin doonto gabi ahaanba shacab waynaha Somaliland, yadoo cadaysay waliba in qofka aan kaadh kaas sidan la siin doonin kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland, taas oo iminka u muuqata in mudnaanta koobaadiba tahay kaadhka codaynta oo aanu qiima badanba lahayn kaadhkan wasaarada arimaha guduhu waday ee aqoonsiga muwaadinku.

Waayo hadii la doonayo in kaadhkaasi uu ahaado ka mudnaanta koobaad leh waxa la gaadhsiin lahaa dhamaanba goobaha dadku joogo ee gudaha Somaliland lkn laguma koobeen oo kaliya magaalooyinka waawayn. Waala arki doonaa marka la bilaabo kaadhka codaynta doorashoyinka waxa la gaadhsiin doonaa tuulo walba soo Somaliland ah.

Waxaan u soo jeedinayaa wasaarada arimaha guduhu inay xooga saarto sidii dadka uu u wada gaadhi lahaa kaadhka aqoonsiga muwaadinku oo waliba la badiyo goobaha laga bixinayo kaadhka siiba magalada Burco oo uu hada ka socdo kaadh bixintu, taas oo dadku aanay hal goob kayuu ka gali Karin.

 

 

Waaad Mahadsantihiin

Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Burco Somaliland

Hamudson@Gmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here