Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Shaacisay Inay Dib U Soo Celinayso Seerayaasha Dalka

0
1184

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaaji Ismaaciil Baandare,  ayaa waxaa ay shaacisay inay dib u soo celinayaan Seereyaasha dalka.

Wasiirka, ayaa sheegtay in seereyaasha dowladu dhawaan xidhi doonto ay ka mid yihiin Bancawl, Aroori, banka cashuura, banka xudun, banka Tuunyo iyo banan kale.

Wasiir Sugri Baandare waxay sheegtay in kooxo ka tirsan wasaaradda degaanku ay u baxeen sidii ay uga hawl-gali lahaayeen banankaas, si looga faa’iidaysto xili roobaadkan hadda lagu jiro, waxaanay intaas ku dartay in xukuumadda Somaliland ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaaya xidhitaanka seereyaasha si looga faa’iideeyo bulshada xoolo dhaqatada ah.

Geesta kale, wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxay guud ahaan bulshada ku nool degaanada ay banankaas la xidhi doonaa ku yaalaan u soo jeedisay in ay wasaraadda gacan ka siiyaan sidii loo daryeeli lahaa, cidii dhex deganina ay ka guuraan, maadaama oo wasaaraddu qorshaysay sidii looga faa’iidaysan lahaa banankaas, oo waxtar u leh xoolaha iyo ugaadhaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here