Rabshado Ay Ku Dhaawacmeen 200 Qof oo Ka Dhacay Masjidka Al-Aqsa

0
655

Qudus (Hargeisa Press) – Iska hor imaad culus oo u dhaxeeyay Falastiiniyiinta iyo booliska Israel oo habeenkii xalay ka dhacay xarunta masjidka Al-Aqsa iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada Qudus, ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah, sida ay Sabtida maanta ah sheegeen dhakhaatiirta caafimaadka.

Mudaharaadyada habeen kasta ah, ayaa la bilowday bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo ay dadku diidan yihiin xannibaadaha booliska ee goob caan ah oo ay dadku ku afuraan, iyo hanjabaado soo laabtay oo ah in daraasiin Falastiiniyiin ah laga saarayo guryahooda ku yaalla bariga Qudus.

Ma cadda sababta dhalisay rabshadaha ka dhacay masjidka Al-Aqsa, oo qarxay markii tiro badan oo booliska Israel la geeyay xilli ay kumanaan muslimiin ah kuguda jireen tukashada salaadda maqrib.

Waxaa xalay oo dhan la arkayay mudaharaadayaal badan oo dhagxaan tuuraya iyadoo booliska Israel ay ridayeen rasaasta cinjirka ah iyo bambooyinka aan qarxin.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Bisha Cas Falastiin, ayaa sheegtay in 88 ka mid ah dhaawacyada la dhigay isbitaalka. Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa iyana sheegtay in 83 qof ay ku dhaawacmeen rasaasta cinjirka, oo ay ku jiraan saddex qof oo indhaha laga toogtay.

Booliska Israel, ayaa dhankooda sheegay in dibadbaxayaashu ay ku tuureen dhagxaan, iyo waxyaabo kale ayna dhaawaceen 17 sarkaal oo barkood isbitaalka la dhigay. “Waxa aan gacan bir ah uga jawaabi doonnaa dhammaan rabshadaha iyo weerarada ka dhanka ah ciidamadeenna,” ayaa lagu yidhi warbixin habeenkii xalay ee Jimcaha uu boolisku soo saaray.

Masaajidka Al-Aqsa oo ah kan saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, ayaa muddo dheer waxa uu ahaa xuddunta xiisadda Israa’iil iyo Falastiin, waxayna ahayd halkii uu ka bilowday kacdoonkii Intifada sanadkii 2000.

Maalmihii la soo dhaafay, mudaharaadyada ayaa sii kordhayay ka dib markii ay Israel ku hanjabtay in ay Falastiiniyiinta ka saarayso xaafadda Sheekh Jarrah ee bariga Qudus.

Mareykanka, ayaa sheegay in uu “aad uga walaacsan yahay” rabshadaha iyo hanjabaadda barakicinta ah, wuxuuna la xidhiidhay hogaamiyaasha labada dhinac si loo xiisadda loo dejiyo.

Midowga Yurub, ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku sheegay in ka rarista Falastiiniyiinta ay tahay “mid ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, waxayna kaliya u adeegeysaa sii hurinta xiisadaha taagan.”

Maxkamad Israeli ah, ayaa Isniinta la filayaa in ay xukun ka soo saarto barakicinta Falastiiniyiinta ee xaafadda ku taalla bariga magaalada Qudus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here