Imaaraadka oo $1 Billion Ku Bixinaya Jidka Isku Xidha Somaliland iyo Itoobiya

0
2158

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka,  ayaa heshiis lagu dhisayo jidka isku xidha Somaliland iyo Itoobiya la gashay Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya.

Shirkadda DP World, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qorshaynayso in maalgashi gaadhaya $1 Bilyan oo Dollar ay ku bixiso 10-ka sano ee soo socoto hormarinta kaabayaasha saadka ee marinka dhismaha jidka dekadda Berbera iyo Itoobiya.

Waxa ay Shirkaddu sheegtay in mashruucyada la fulinayo ay qayb ka noqon doonto Dekado qalalan, Bakhaaro leh qaboojiyaal, Konteenaro, Gawaadhida xamuulka gudbiya iyo howlaha nadaafadda.

Itoobiya iyo DP World, ayaa si wadajir ah u sheegay in mashruuca lagu hormarinayo jidka isku xidhaya Berbera iyo Itoobiya uu noqon doono mid abuuri doono shaqooyin cusub, sidoo kalana uu sababi doono ganacsiyo cusub oo dhexmara Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiska ay wada saxeexdeen Shirkadda DP World iyo Itoobiya, ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay abuuraan shirkad wadaag ah oo dhanka saadka ah si ay u fuliso howlaha saadka si guul looga gaadho mashruucan oo soconayo muddo badan.

Shirkadda DP World, ayaa la filayaa inay qabato shaqada adeegyada dhoofinta oo asal ahaan ka imanaya Itoobiya illaa Dekadda Berbera, sidoo kalana waxaa qeyb ka ah adeegyo alaab lagaga soo dejinayo Dekadda Berbera lana gaadhsiinayo illaa Addis Ababa.

Qoraalka ka soo baxay Shirkadda DP World iyo dowladda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya ay xallin doonto caqabadaha xagga sharciyeynta dhinaca Itoobiya ee marinka Berbera Corridor si ay u fududaato fullinta qorshahan la isugu furayo ganacsiga Berbera iyo Addis Ababa.

Si loo hubiyo ammaanka xamuulka u kala gudbaya labada dhinac, Dowladda Itoobiya ayaa qaadatay Mas’uuliyadda ammaanka, waxayna marinka ka hirgelin doontaa kaabayaasha IT-ga iyo Qalab casri ah oo awood buuxda u leh hubinta badqabka xamuulka.

Heshiiska waxaa Addis Ababa ku saxeexay Khamiistii Dagmawit Moges, Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya iyo Sultan Bin Sulayem, guddoomiyaha iyo madaxa fulinta ee Shirkadda DP World.

Wadada isku xidhi doonta Dekedda Berbera iyo Wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya, oo ay maalgelinayso Sanduuqa Abu Dhabi ee Horumarinta iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa la filayaa in la dhammaystiro dhammaadka sannadka 2021, ayaa lagu yidhi qoraalka.

Somaliland, DP World iyo Itoobiya, ayaa hore u kala saxeexday heshiis lagu hormarinayo Dekadda Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here