“Wasaaradda dastuurku waxay si wanaagsan u gudbisay barnaamijyada wacyigelinta”…

0
321

Hargaysa (HP): Barnaamijyada Wacyi-gelinta ah ee ay diyaariso Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa noqday kuwa loogu dhagaysiga badan yahay.
Sida lagu sheegay Daraasad maanta lagu soo bandhigay magaalada Hargaysa, isla markaana laga sameeyay Heerka Dhegaystayaasha Idaacada Radio Hargaysa.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaciil, oo hadal ka jeediyay shaacinta deraasadaasi ayaa sheegay in wasaaradda xidhiidhka goleyaashu ay koow ka tahay Wasaaraddaha iyo haayaddaha dawlada ee sida wanaagsan u gudbiya Barnaamijyada Wacyi-gelinta ah.

Daawo: Muqaalka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here