Maayarka Buuhoodle Oo Lagu Wareejiyay Dhul Laga Dhisayo MCH-ka Degmadda Dhalaamo-cune

0
360

Dhalaamo-cune (HP): Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, ayaa maanta la wareegtay dhul loogu tallo galay in laga dhiso xarunta caafimaadka Hooyadda iyo dhalaanka ee degmadda Dhalaamo-cune ee gobolka Buuhoodle.
Dhulkaasi oo cabirkiisu dhan yahay 5 Baloodh waxaa ku caawiyay si loogu shaqeeyo bulshadda degmadda Dhalaamo-cune, xaaji Cabdi Dheere Cabdi, oo ka mida ah odayaasha degmadda Dhalaamo-cune ee gobolka Buuhoodle.
Munaasibadii dhulkaasi lagula kala wareegayay waxaa goob joog ka ahaa isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle Dr. C/raxmaan Xasan Xaaji Siciid.

Xildhibaan Cawke Cali Geelle, oo ka tirsan golaha deegaanka degmadda Buuhoodle, madaxa MCH-yadda ee gobolka Buuhoodle, iyo sidoo kale qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Dhalaamo-cune.
Degmadan Dhalaamo-cune oo ah degmo aad u balaadhan shacab aad u badanina ay ku nool yihiin ayaan gebi ahaanba lahayn hal xarun oo caafimaad, iyadoo ay bulshadeedu baahi weyn u qabaan helist xarun caafimaad.
Sida ay sheegtay maayarka degmadda Buuhoodle marwo Khadiija Axmed Aadan, oo hadal ka jeedisay munaasibadii ay dhulkaasi kula wareegaysay.
Waxaanay tilmaantay maayar Khadiija, in markii ay arkeen baahida maqnaanshiyaha xarun caafimaad ee degmadda Dhalaamo-cune in ay aa duga damqatay.

Marwo Khadiija Axmed Aadan, ayaa u mahad celisay xaaji Cabdi Dheere Cabdi, oo dhulkaasi bixiyay oo uu ugu deeqay in loogu shaqeeyo bulshadda degmadaasi.
Maayarka Buuhoodle waxa kaloo ay sheegtay in ay ka maamul dawlad hoose ahaan iyaguna hirgelinta xaruntaasi caafimaad kaga qayb qaadanayan in dayrkii iyo laba qol ay ugu deeqaan degmada.

Geesta kale xaaji Cabdi Dheere Cabdi, oo dhulkaasi bixiyay ayaa sheegay inuu dhulkaasi Sadaqo ugu bixiyay Aabihii iyo Hooyadii.
Iyadoona meeshaasi ay tahay goobtii ay deganaan jireen waalidkii, isla markaana ay maanta ku wareejiyeen maayarka Buuhoodle iyo masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here