Wasaaradda Caafimaadka oo Daawooyin Kala Wareegtay Hay’adda WHO

0
1007

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta daawooyin Caafimaad kala wareegay Hay”adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Daawooyinkan Caafimaad oo ahaa kuwo lagula dagaalamayo xanuunada faafa sida kaneecada, ayaa waxaa madashii lagula kala wareegayay hadal ka jeediyay masuuliinta Xafiiska Hargeysa ee Ha”yadda Caafimaadka Adduunka WHO.

Waxaanay ku dheeraadeen ahmiyadda ay Daawooyinkan Caafimaad leeyihiin iyo wax tarkooda, iyagoo balan qaaday in aanay deeqdani ahayn tii u dambaysay ee ay sii wadi doonaan Taageerada ay siiyaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Gabo’gabadii agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo isna hadalo ka jeediyay madasha lagula kala wareegayay deeqdan daawooyinka ah, ayaa dhankisa ka waramay sida ay qaybta weyn uga qaadan doonto dadaala ay Wasaaradda horumarinta caafimaadku ugu jirto la dagaalanka iyo Xakamaynta Xanuunada Faafa sida Kaneecada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd dardargalinta iyo kor u qaadista adeegyadda Horumarinta Caafimaadka iyo la dagaalanka Xannuunada Faafa sida kaneecada oo dhalata xiliyada roobabku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here