Guddoomiyaha UCID oo Sheegay In Aanay Geli-Doonin Doorasho Aan Ta-Madaxtooyada Ahayn

0
1426
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in aanay xisbiyada mucaaradku geli doonin doorasho aan ahayn ta madaxtooyada.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in aanay suurtagal ahayn in doorashada ururada laga soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada, sida ay xukuumadu doonayso.

Waxaa uu sheegay in xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu aanay geli doonin doorasho aan ahayn Doorashada Madaxtooyada “Labada xisbi mucaarad iyo taageerayaashoodu go’aan ayay soo saareen ay leeyihiin doorasho aan ta madaxtooyada ahayn gali mayno”.

Guddoomiye Faysal, ayaa waxaa uu sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Biixi aanay ahayn mid sharci ku dhisan, oo aanay heshiis ku ahayn axsaabtu, waxaana uu ku andacooday in heshiis dhexmara iyaga iyo xukuumadda uun ay sharci ku noqonayso.

Waxaa uu Madaxweynaha ka codsaday in uu la kulmo si ay iskula eegaan sharciga doorashada ee uu muranku ka taaganyahay.

LEAVE A REPLY