Wasaaradda Caafimaadka iyo Cusbitaaladda Gaarka Loo-leeyahay oo Ka Arrinsaday Xannuunka Xummadda

0
943

Hargeysa (Hargeisa Press) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay masuuliyiinta Cusbitaaladda dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Kulankan, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Wasaaradda horrumarinta Caafimaadka iyo Cusbitaaladda dalka gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay ay iskaga kaashan lahaayeen xakamaynta xanuunka xumadda ah ee muddooyinkii u dambeeyay ka jiray dalka.

Wasaaradda, ayaa sidoo kale Masuuliyiinta Cusbitaaladda gaarka loo leeyahay u qaybisay buugagta Habraaca lagula dagaalamayo xannuunka Xummadda daran ah ee wadanka ka jirta.

Sidoo kale, waxaana kulankan laga soo saaray laba qodob muhiim ah oo la xidhiidha xannuunka xummadda, waxaanay u dhignaayeen sidan:-

1.In cusbitaalada lagala hadlo (Guidelines) habraac Cusub oo lagula dagaalamayo xanuunka xumadda ah ee jira oo ay Wasaaraddu soo rogtay, kaaso ay ka shaqaynaysay mudooyinkii u dambeeyay sidii Cusbitaalada loogu qaybin lahaa, si dhinaca daawaynta iyo dhinaca bukaanka habka loo maamumalayo iyo habka loo daawaynayo uu nidaam isku mid ah u noqo, si ay Cusbitaaladu nimaad isku mid ah ugu daweeyaan bukaanka, meeshana looga  saaro in uu Cusbitaal waliba (Guidelines) habraac u gooni ah u isticmaalo, maanta wixii ka dambeeyana dhamaan Cusbitaalada dalka kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba waxay wada isticmaali doonaan habraaca ay Wasaaraddu soo saartay.

2.Wasaaradda horumarinta caafimaaddku waxay maalinta beri iskugu yeedhi doonta dhamaan Cusbitaalada Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba si ay u siiso tababar ku saabsan habka loo maareeyo xumadda dalka ka jirtay, waxaanay ugu Baaqaysa in ay kasoo qayblaan dhamaan dhakhaatiira gacanta ku haysa hawshan iyo la tacaalideedaba.

Wasaaradda horrumarinta Caafimaadku waxay dadaal adag ugu jirtaa sidii ay ula tacaali lahayd una xakamayn lahayd xannuunka xummadda ah ee dalka ka jira iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda shaqaalaha Caafimaadka ee ku hawlan la tacaalista iyo xakamaynta xannuunkan xummadda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here