Aadan Barre oo Shaaciyay Hantida-Lacageed Uu Heysto iyo Siduu Ku Helay

0
688

Nairobi (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Agaashaandhigga ee dalka Kenya, Aadna Barre Ducaale, ayaa maanta su’aalo lagu weydiiyay baarlamaanka Kenya.

Waxyaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ah inta ay hantidiisu leegtahay, ama tirada lacagta uu heysto shakhsi ahaan iyo sida uu ku helay.

“Anigu waxaan heystaa lacag gaadheysa 851 milyan oo shilinka Kenya ah, oo ay ku jiraan hanti kale oo ah 231 neef oo geel ah,” ayuu yidhi Wasiir Aadna Barre Ducaale

Waxa uu sheegay in idaha iyo riyaha ay qeyb ka yihiin hantidiisa, lacagta hadda soo gashana ay qiyaasteeda gaadhayso 10 milyan oo shilin sanadkiiba.

Dhanka kale, Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in Soomaalida ay ku kala nool yihiin caalamka oo dhan, qaarkoodna ay jagooyin muhiim ah ka hayaan dalal kala duwan.

“Ma joogaan oo keliya Jabuuti, Soomaalida meel walba ayey joogaan, waxa ayna gabadh Congress-ka ku jirta ku leeyihiin Mareykanka. Sidoo kale waxaa jira wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada Canada oo Soomaali ah,” ayuu yidhi Wasiir Ducaale.

Wasiir Ducaale, ayaa  sidoo kalesheegay in Soomaalida Kenya ay leeyihiin xuquuq siman sida dadka Kenyaanka ah ee ka soo jeeda beelaha kale.

Waxa uu ku dooday in inkastoo ay asal ahaan ka soo jeedaan, haddana Soomaalidu ay daacad u yihiin waddankooda dhalasho.

Sanadkii 2018-kii, ayuu beeniyay wararka sheegaya in inta badan ganacsatada Soomaalida ay ku lug lahaayeen ganacsi sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here