Xiisadda Ka Taagan Maamulka Puntland oo Sii Xoogaysatay iyo Dibadbaxyo Dhacay

0
547

Boosaaso (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegaya in ay sii xoogaysatay xiisadda ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muranka hadheeyey doorashada oo ay isku hayaan Madaxweynaha maamulkaasi iyo ururada kale ee siyaasadda.

Xiisadda, ayaa ku sii fidieysa magaalooyin horleh, waxaana maanta dibad-bax ballaadhan uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Dadweynaha, ayaa dibadbax kala hortegay xubno ka mid ah guddiga doorashada maamulka Puntland oo Boosaaso u tagay qiimaynta doorasho qof iyo cod ah oo uu haatan qorshaynayo in Madaxweyne Saciid Deni ka qabto illaa 12 degmo, wallow taasi si weyn loogu dhaliilay.

Wararka, ayaa sidoo kale sheegaya in dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka ay isku dhaceen, taas oo keentay in rasaas lagu kala eryo dadka isugu soo baxay halkaasi.

Ma cadda waxyeelada ka dhalatay rasaasta ay ciidamada maamulkaasi Puntland ku fureen dibadbaxayaasha cadhaysan.

Maalin kaho ayay ahayd markii maleeshiyaad hubeysan oo ka soo horjeeda maamulka Puntland ay duleedka magaalada Garoowe ka qabsadeen agab loogu talagalay doorashada iyo gaadiid ay la socdeen xubno ka tirsan guddiga ku meel gaadhka ah doorashooyinka maamulkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse Madaxweynaha maamulkaasi, ayaa wajahaya culays aad u xoogan oo uga imanaysa reer Puntland oo ay xittaa ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi.

Si kastaba, Mudaaharaadka Boosaaso, ayaa ku soo beegmay xilli ay Puntland wajahayso qalalaase ka dhashay doorashooyinka lagu muransan yahay ee tooska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here