Wasaaradda Beeraha Oo Lagu Dhaliilay In Ay Ka Gaabisay Buufinta Ayaxa

0
715

Hargaysa (HP): Bulshadda ku nool deegaamadda Jaleello iyo Xunbo-weyne ee gobolka Maroodijeex ayaa ku dhaliilay wasaaradda beeraha Somaliland in ay ka gaabisay la dagaalanka Ayaxa oo si xun u baabiiyay beeralayda deegaamadaasi.

Waxaanay waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin uu todobaadkan wasiirka beeraha Somaliland golaha Guurtidda ka siiyay la dagaalanka Ayaxa, oo uu wasiirku sheegay in ay si weyn uga hawl galeen.

Odayaasha iyo waxgaradka dulshadda ku nool deegaamadda Jaleello iyo Xunbo-weyneย  maanta warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in ay ย si weyn u saamaysay dhibaatadda uu Ayaxu u gaystay.

Kaasoo xaalufiyay ย gebi ahaanba wixii dalagyo ahaa ee ay ย tabcadeen iyo ย sidoo kale dhirtii iyo daaqii oo uu cunay Ayaxu.

Waxaanay qaylo-dhaanย  iyo ย baaq u direen xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda beeraha iyo haayadaha caalamiga ah eeย  ku shaqadda leh hawlaha la dagaalanka Ayaxa.

 

Daawo: Waxgaradka Jaleello iyo Xunbo-weyne Oo Arrimahaas Ka Hadlaya;

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here