Barashadda Computer-ka Oo Lagu Soo Kordhiyay Dugsiga Muuse Yuusuf Ee Laascaanood

0
685

Laascaanood (HP): Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee magaaladda Laascaanood ayaa Maadooyinka waxbarasho ee uu bixiyo ku soo kordhiyay barashadda computer-ka.

Badhasaabka gobolka Sool iyo maayarka Laascaanood ayaana maanta  si wada jira xadhiga uga jaray barashadda maadadda computer-ka oo uu waxbarashadda ku soo kordhiyay dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, ee magaaladda Laascaanood.

Iyadoo dugsiga sare ee Muuse Yuusuf uu noqonayo iskuulkii u horeeyay oo waxbarashadda  ardayda ugu soo kordhiyay maadadda computer-ka, si ay ula jaan-qaadaan horumarka laga gaadhay adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah.

Hirgelinta waxbarashada computer-ka ee dugsiga Muuse Yuusuf, waxaa gacan ka gaystay maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood, oo kala shaqeeyay maamulka dugsigaasi sidii loo soo kordhin lahaa Maadadani.

Iyagoo ka duulaya baahida ay ardayda dugsiyadda sare u qabaan barashadda aalada Camputer-ka iyo Tignoolajiyadda casriga ah.

Waxaana maanta lagu qabtay xarunta dugsiga Muuse Yuusuf ee magaaladda Laascaanood  xaflad xadhig ka jarista xiisadan cusub ee uu dugsigaasi soo kordhiyay.

Xafladaasi waxaa ka soo qayb galeen badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascanood C/casiis Xuseen Taarwale, maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee Muuse Yuusuf iyo marti sharaf kale.

Gudddoomiyaha gobolka Sool C/qani Jiidhe, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa tallaabo horumar ah oo uu dugsigaasi soo kordhiyay ku tilmaamay in ardayda la barro computer-ka.

Badhasaabka ayaa ku bogaadiyay maamulka dugsiga Muuse Yuusuf, in ay  noqdeen dugsigii u horeeyay ee  ku yaalla magaaladda Laascaanood oo waxbarashadda ardayda ugu soo kordhiyay barashadda computer-ka.

Waxaanu yidhi, “Waxaana guul iyo faraxad ii ah in maanta xadhiga aan ka jarnay Iskuulkii ugu horeeyey ee laga hirgaliyey Computer Lap, magaaladda Laascaanood. Waana dugsiga sare ee Muuse Yuusuf.

Waxaan u mahad celinyaaa dhalinayarada aqoonyahanada ah ee fikirkan bilaabay oo aanKa xusikaro Prof. Mustafe Abdi Jirde, Ismaail Cabdikariim, Muuse Maxamed Cartan iyo dhalinyaro kale”.

“Iyo Afartii macalin ee gudidda uga ahaa Iskuulka Muuse Yuusuf Secondary school,

Axmed Aadan Weli, Mukhtaar C. Joog, Naaleeye Cawil, iyo Saalim Cabdirashiid. Waxaan idinkula dar-darmayaa in aad ilaaliyaan Computer-ka, ardayda na uga faa’iideeyaan” ayuu yidhi C/qani jiidhe.

Sidoo kale badhasaabka Sool waxa uu ka sheekeeyay muhiimadda ay bulshadda u leedahay wax wada qabsiga iyo iskaashigu, isagoona xusay in ay  ka dawlad ahaan ay ka go’an tahay in la taageero wax wada qabsiga bulshadda.

“Ka dawlaad ahaan waxaa naga  go’an in aanu taageerno wax wada qabsiga bulshadda iyo horumar.

Wax wada qabsiga, waxaa tusaale ku filan, maalintii ay dhalinayarada aqoonyahada ay fikirka keeneen, ee ay bilaabeen Iskuulka Muuse Yuusuf, inuu helo Computer Lap iyo maanta, oo aad Indhiina ku aragtaan xadhig ka jaristiisa.

Taasoo tusaale idiinKu filan wax wada qabsigu inuu hormar iyo midha-dhal yahay, oo ay ka soo baxday wax la intifaacsado  in ay u yeelanayso bulshadda gobolka Sool”.

Geesta kale maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, waxbarashadan cusub ee computer-ka ah ee ay dugsiga ku soo kordhiyeen.

Waxaanu sheegay maayarku in barashadda computer-ku ay xiligan logo aad muhiim u tahay, isla markaana ay mid wax weyn oo faa’iido ah u keeni doonta tahay in dugsiga Muuse Yuusuf, uu waxbarashadda ardayda ugu soo kordhiyay.

Dhinaca kale waxaa iyagna halkaas hadalo ka jeediyay maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, oo ka warbixiyay sababtii ku kaliftay in ay la yimaadaan fiirka ah in Maadooyinka  uu dugsigu bixiyo ay ku soo daraan barashadda computer-ka.

 

Daawo: Sawirro dheeraad ah:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here