Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo La Sheegay Inay Diiday Qabashada Mooshin Ay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Usoo Gudbiyeen

0
1353
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku gacan saydhay qabashada mooshin ay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ka gudbiyeen maayarka magaalada Gabiley Maxamed Aamin.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay in ay mooshinkan u gudbiyeen wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha ee gobolada iyo degmooyinka dalka,waxaana la sheegay in xildhibaanada lagu diiday qabashada mooshin ay xilka kaga qaadayaan maayarka magaalada Gabiley Maxamed Aaamiin.

Xildhibaanadan oo warqada ay wasaaradda u gudbiyeen ay ku qornayd sida naloo sheegay inay mooshinka diyaarinayaan isla markaana ay saxeexeen 15 xildhibaan oo golaha deegaanka Gabiley ka mid ah,kuwaas oo kasoo horjeeda maayarka magaalada isla markaana ku eedeeyey musuq-maasuq,is daba marin iyo waliba la  tashi la’ana dhanka xildhibaanada ah.

Waxaana ay wasaaradda ka codsadeen in loo fasaxo inay mooshin qabsadaan,balse wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa ku gacan saydhay dalabkaasi,waxaana lagu war geliyey in gabi ahaanba la joojiyey 6-da Bilood ee doorashada ka hadhsan in golayaasha deegaanku qabsadaan mooshino ay xilalka kaga qaadayaan maayiradda magaalooyinka dalka,sidoo kalena xildhibaanadan ayaa masuuliyiinta wasaaradda ee ay cabashadooda usoo gudbiyeen ay ku wargeliyeen inay dhexdooda dhamaystaan khilaafaadka soo noqnoqda ee jira.

Golaha deegaanka Gabiley ayaa waxa dhexdooda ka qarxay khilaaf huursanaa oo u dhaxeeya  xildhibaanada,iyaga oo xildhibaanaduna u kala jabay laba dhinac oo qolona ay kasoo horjeedaan maayarka magaalada qaar kalena ay taabacsan yihiin,sidoo kale waxa iyaduna wali taagan oo aan xal waara laga gaadhin khilaafkii ka dhex qarxay golaha deegaanka Saylac iyaga oo xildhibaanadii golahaasina ay badankoodu isku soo shubeen Caasimada Hargeysa,waxaana khilaafkaa golaha deegaanka Saylac uu sababay in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Somaliland.

Ilaa hadda lama garanayo halka uu saldhigan doono khilaafkaas ka dhex qarxay xildhibaanada golayaasha deegaanka Saylac iyo Gabiley.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here