Wasaaradda Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadashay Kulankii Dhex Maray Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Dhiggiisa Dalka Masar

0
764
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda arimaha dibada Somaliland ayaa warsaxaafdeed ay soo saareen waxay kaga hadlay kulan magaalada Qaahira ku dhex maray wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo dhiggiisa dalka masar Dr Samih Shukri.

 

Waxaan wasaaradda warsaxaafadeedkan kaga hadashay nuxurka uu daaranaa kulankani iyo qodobaddii ay ka wada hadleen labada masuul waxaanu warsaxaafadeedkani u dhignaa sida tan.

“Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo dhawaanahanba safar shaqo ku joogay dalka masar aya la kulmay dhiggiisa Masar Dr Samih Shukri iyo qaar kamida golah wasiirada dalka masar oo ay kamid ahaayeen wasiirka tacliinta sare Dr Ashraf M El-Shihy ku xigeenk wasiirka wasaaradda caafimaadka,ku xigeenka sheekha jaamacadda AZHAR,xubno kamida golaha wakiilada iyo u qaabilsanaha wadanka Masar dhanka amuuraha Africa.

Waxaana uu kulankani daaranaa sii xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan dhinacyadda ganacsiga,waxbarashada,iyo caafimaadka,sidoo kale waxa kulankani ku xusnaa sidii masar ay Somaliland uga taageeri lahayd dhanka farsamooyinka.

Dhanka Masar wasiirka waxbarashadu waxa uu balan qaaday inay sanad kaste ardayda Somaliland siin doonaan deeq waxbarasho oo gaadhaya 50 arday iyo in masar ay kor u qaado tobabarada macalimiinta Somaliland,sidoo kale wasiir Dr Ashraf M El-shihy waxa uu hoosta ka xariiqay inay jaamacadda hargeysa ka taageeri doonan dhisida xarunta cilmi baadhis oo ay jaamacaddu yeelato.

Ku xigeenka wasaaradda caafimaadku waxa uu isna balan qaaday inay sanad kaste usoo dirayaan cusbitaalka Somaliland Dhakhaatiir dhanka qaliinada ku xeel dheer iyo inay ugu deeqaan qalab iyo dawooyin xarumah caafimaadka Somaliland.

Dawlada masar waxay Somaliland u balan qaaday inay ka taageert dhanka waxbarashada diinta si meesha looga saro afgaarta xagjirnimada ah.

Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh soo jireen ah la lahayd ayaa iminka danaynaysa dib u noolaynta xidhiidhka labada dal.

Wasaaradda arimaha dibada Somaliland ayaa mahadcelin balaadhan u direysa dawlada masar sida ay u muujisay In Somaliland dhinacyo badan ka taageeraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here