Warsaxaafadeed: Wasiirka Cusub ee Duulista oo La kulmay Safiirrka Ingirisska u Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya

0
725

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo uu wehelinaayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi Guleed Maxamed Shire, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland Harriet Mathews oo ay wehelinayso Ku Xigeenka Siyaasada u qaabisan Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya Miss. Lizzie Lovett oo Dalka booqasho ku joogay galinkii danbe ee Maantana dib uga laabatay Dalka.

 

Labada dhinaca ayaa waxa kulankoodan kaga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka Labada Dal ee Somaliland iyo Ingiriiska oo ah mid taariikhi ah oo qoto dheer.

 

Wasiirka Duulistu waxa uu warbixin ka siiyey Safiirka Amaanka Madaarada Wadanka, waxana uu ka codsaday in ay kordhiyaan taageeradii ay siin jireen Madaarada Somaliland.

14102569_1750348865182397_3472070598193539273_n

Dhinaca kale Safiirka Dalka Ingiriiska u qaabisan Somaliya iyo Somaliland Ms. Harriet Mathews ayaa balan qaaday in ay Dawladeedu sii wadidoonto taageeradii ay siin jirtay Madaarada Somalialand.
Dawlada Ingiriiska ayaa sida laga war qabo saaxiib dhaw la ah Dawlada Somaliland, waxaanay Wasaarada Duulista ka caawiyaan Tababarada Shaqaalaha iyo Qalabka Amaanka Madaarada .

 

Allaa Mahad Leh

Ismaaciil Cali Axmed
Afhayeenka Wasaarada Duulista
Hawada Iyo Gaadiidka Cirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here