Warsaxaafadeed: Wasaaradda Duulista Somaliland Oo kulan Layeelatay Madaxda Shirkada FLY DUBAI + SAWIRRO

0
1130

Dubai, (HargeisaPress) — Wafti uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka JSL Mudane Axmed Nuur Faahiye oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cumar Sayid C/lahi Aadan oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dubai ayaa kulan rasmiya la yeesha madaxda Shirkada FLY DUBAI oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Shirkaas MR Sudhiir Serederen ( Senior Vice president- ) Kuna wehilinayeen kulanka Madaxa Madaarada u qaabilksan Shirkada MR Lukasz Skorupa, iyo Wakiilka Shirkada FlY Dubai ee Wadanka Somaliland Cumar Siciid Ducaale.

 

Kulankaas oo ku qabsoomay Xarunta shirkada fly Dubai ayaa labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka ka dhaxeeya shirkada iyo Wasaarada Duulista Hawada sidii loo sii xoojin lahaaa.

dulisss

Ugu horayn shirkada FLY dubai ayaa si wayn uga mahad celisay Wasaarada Duulista Hawada mudadii ay ka hawl galaysay Madaarka Caasimada hargaysa ee EGAL international Airport, sidii fiicnayd ee ay ula shaqaysay una garab istaagtay.

 

Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka JSL waxay balan qaaday inay kor u sii qaadi doonto xidhiidhka wada shaqayneed iyo adeega ay u fidiso shirkadan iyo shirkadaha kaleba ee ka hawl gala Madaarada JSL.

FlY Dubai

Sidoo kale shirkada Fly Dubai waxay balan qaaday inay Wasaarada gacan ka siin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa heerka tababar, amni iyo adeeg ee Madaarada JSL, gaar ahaana Mladaarka Caasimada.

 

Ugu dambayntii kulankan ayaa ku soo gababoobay guul iyo isfaham buuxa oo labada dhinac ay ka yeesheen dhamaan qodobadii laga wada hadlay.

 

 

Allaa Mahad Leh

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista

Hawada iyo Gaadiidka Cirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here