Warbixin: Waa Kuma Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ee Madaxweyne Siilaanyo Magcaabay

0
1450

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xilka Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland u magcaabay Siyaasiga Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka soo jeeda deegaanka Sool.

 

Hadaba waa kuma Siyaaasiga Madaxweynuhu u magcaabay xilkaa, sideese rayalcaamka Bulshada looga arkay, warbixin kooban oo uu ka diyaariyay Weriye Carraale M. Jama oo ah Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network iyo ah Tafaftiraha HargeisaPress.com, Shiine Cilmi kaahin.

 

“Masuulka loo magcaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), maaha qof ku cusub saaxada Siyaasada, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumaddihii Somaliland soo maray ee Madaxweynihii u horeeyay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), Maxamed Ibraahin Cigaal I, Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo waqtigan u magcawday Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha.

20160815_115412

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, waxa si weyn u qaada dhigay rayal caamka Bulshada, waxaana markii xilkan Madaxweyne siilaanyo u magcaabay xalay saaka goobaha lagu kulmo uu noqday shaqsiyaadka sida weyn dadku uga dareen celiyeen, iyadoo aanu ahayn shaqsi magaciisu ku cusub yahay saaxada siyaasada, gaar ahaan dadka sida dhow ula socda siyaasada Somaliland, iyadoo inta badan rayalcaamka bulshadu soo dhoweeyeen magcaabistiisa.

 

Masuulkan cusub Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuu noqonayaa siyaasigii u horeeyay ee intii ay Somaliland jirtay tan iyo markii ay madaxbanaanideeda kala soo noqotay Somalia mudo haatan laga joogo 25 sanadood loo magcaabay xilka Wsasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waxayna dad badan ku tilmaameen in uu yahay qof ku haboon inuu xilagan qabto xilkaa, maadaama aanu ku cusbayn saaxada siyaasada Somaliland, isla markaana ka mid yahay dadkii hormoodka u ahaa dhismaha qaranka Somaliland ee curdinka ah, waqti badan iyo juhdi badana geliyay, isagoo sidoo door weyn kasoo qaatay diyaarintii Dastuurka Somaliland.

 

Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuu markii dalka lasoo galay ee lagu dhawaaqay dawladii u horaysay ee Somaliland 1991-kii noqday Guddoomiyihii u horeeyay ee gobolka Sool dawladii Cabdiraxmaan Axmed Cali, sidioo kale dawladii Maxamed Ibraahin Cigaal ee lagu soo dhisay Boore 1993-kii, wuxuu noqday Wasiirkii Caafimaadka, balse markaa kadib xiligii Ururada siyaasada wuxuu safka hore kaga jiray Ururkii ASAD ee uu hoggaaminayay, Guddoomiyaha xilagan ee golaha Guurtida Saleebaan maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo waqtigaa hoggaamiyay mucaaradkii ugu awooda badnaa, balse markii uu ku guuldaraystay ASAD inay usoo gudbaan Xisbi doorashooyinkii xiligaa 2002, wuxuu qayb ka ahaa fgarabkii saleebaan Maxamuud Aadan hogaamiyay eek u biiray Xisbigii UDUB, wuxuuna ka mid noqday Yaasiin Fratoon, koox siyaasiyiin ah oo Saleebaan Maxamuud Aadan ku yeeshay Xukuumaddi Daahir Rayaale, markii uu doorashadii Madaxtooyadda ee Somaliland 2003, ku guulaystay, isagoo noqday Wasiir Dawlaha Dib-u-Dejinta Somaliland, balse muddo kaddib wuxuu u baxay dhinaca qurbaha, isagoo xilkaa iska casilay, wuxuuna dalka kusoo laabtay dhowaan.

 

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), waxay dadka aqoonta u lihi ku tilmaamaan inuu yahay qof aqoon iyo waaya aragnimo u leh arrimaha maamulka, isla markaana arrimaha dhaqanka wax badan ka yaqaan, isagoo xiligii dawladii Somalia noqday macalin meelo badan kasoo shaqeeeyay. Sidaa awgeed uu ku kasbaday wax badan, waqtigana ku haboonaa in loo magcaabo xilka culus ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here