War-saxaafadeed: Yaminiyiinta dayacan ee ku sugan Somaliland

0
1156

Hargeysa, (HargeisaPress) —20ka June waxa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Qaxoontida Aduunka. Sanadkan waxa uu la kowsaday Somaliland iyada oo ay ku soo qul-qulayaan Yamaniyiin ka soo cararaysa dagaalka ka socda dalkoodii.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada Hargeysa. Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex ilaa afar qoys. Ma haystaan adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo.

Xaruntu waxay indheheeda ku soo aragtay qoysas ku dul seexda sibidh madhan oo aan waxba dusha ka saarnayn. Xaaladoodu waa mid aad u xun, gaar ahaan caruurta.

Guleid Ahmed Jama Chairperson, Human Rights Centre
Guleid Ahmed Jama Chairperson, Human Rights Centre

Dadkani ma helaan taageerada ay u baahan yihiiin sida guryaynta, cuntada, waxbarashad iyo diiwaangelinta. Duruufta ay ku nool yihiin waa mid aad u liidata. Meelaha qaar dadka deegaanka ayaa isu xilqaamay oo siiya waxay quutaan maalin, kana bixiyay kirada bil ama laba. Waxay ka cabanayaan in laga saaro guryaha waayo iskama bixin karaan kirada. Waa dad la dayacay oo ku nool xaalad xun.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland, hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, iyo ururada kale ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay u gar-gaaraan Yaminiyiinta ku sugan Somaliland.

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

http://www.hrcsomaliland.org/

Email: dafac02@hotmail.com or hrcsomaliland@gmail.com Phone: +252 (0)63 4468227

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here