War-saxaafadeed: Shirkad gaar loo leeyahay oo bixisa adeegga intarneetka Oo Xayirtay barta intarneetka ee Hubaal

0
807
Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa, (HargeisaPress) — Mid ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga intarneetka ayaa xayirtay bogga wargays caan ka ah Somaliland. Tan iyo shalay (20kii July), dadka isticmaala adeegga shirkadda Somtel ma geli karaan oo ma daalacan karaan bogga Hubaal ku leedahay intarneetka. Somtel waa shirkad gaar loo leeyahay oo ay leedahay Dahabshiil oo ah shirkad wayn oo caan ku ah xawilaadda lacagaha. Sidoo kale bogga Aftahannews ayaa si aan xidhiidh ahayn hadba hawada uga baxaya, sida uu u xaqiijiyay suxufi ka tirsan Aftahannews Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Hubaal waxa la xayiray markii ay qortay warbixin ay soo saartay Wikileaks oo kashiftay sida ay sheegatay xidhiidh dhexmaray shirkad ka mid ah kuwa xogaha xada (hackers) iyo Somtel. Qoraalka Wikileaks oo aanay cadayn karin Xaruntu wuxuu ku dooday in Somtel ay ka dalbatay inay ka iibsato kooxda xogaha u dhaca ee la yidhaahdo HackingTeam tiknoolajiyad lagu xado xogaha.

Saraakiil ka tirsan Somtel oo ay la hadashay Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ku doodeen in Hubaal ay qortay war been ah oo waxyeelo u gaystay sumcadda shirkada.

In shirkad bixisa adeeg ay xayirto bog wareed si ay u aamusiiso waxay sii xumaynaysaa xaaladda suxufiiyiinta Somaliland oo ku shaqeeya deegaan aan u fiicnayn. Lama aqbali karo falalka ay ku kacday Somtel oo khatar ku ah xorriyadda hadalka. Saxaafad aad u yar ayaa ku dhiiratay inay wax ka qorto sheegashooyinka ay soo bandhigtay Wikileaks. Iyana maanta waa kuwo aan la heli karin. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa isku dayga Somtel ku doonayso inay maamusho waxyaabaha ay qoraan warbaahinta madaxa banaani. Somtel xaq uma laha inay iyadu sharciga gacameheeda ku fushato.

Dastuurka Somaliland wuxuu aqoonsan yahay xorriyadda saxaafada oo wuxuu mamnuucay fal kasta oo cabudhinaya saxaafadda sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka Somaliland. Dastuurku wuxuu sidoo kale ka dhigay sharci darro in la faro-geliyo xidhiidhka gaarka ah.

Somtel waa inay dib u soo celisaa oo adeegeeda u ogolaataa bogga ay xayirtay. Waana inay joojisaa faaf reebka saxaafadda. Masuuliyiinta Somaliland waa inay baadhitaan ku sameeyaan waxyaabaha ay soo bandhigtay Wikileaks iyo xayiradda bogga interneetka.

 

 

Hana Abdisalaan Mohamed

Advocacy and Lobbying Officer

Human Rights Centre

Email: hrcsomaliland@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here