Barnaamijka Xisbiga Waddani Waa Badbaadada Qaranka qabyaaladu naafaysay Af-hayeenka Dhallinyarada xisbiga Waddani.

0
1028

Xisbiga Mucaridka ah ee Waddani wuxuu ummada wax kaga rabaa haddi ay ku qancaan wanaag, walalnimo, wada-jir iyo wax-wada qabsi, barnaamij cuddoon, waxqabad kaabayashiisi wata, himilada ragaaday ee ummada oo la hirgasho, horumar iyo hanaqaad ictiraaf la hanto. Badbaadada qaranka Kulmiye qaribbay, isku soo dhaweynta bulshada la kala irdheeyay, aasida qabyaalada qadhmuun ee Kulmiye qaawiyay, la dagaalanka musuqa la xalaashaday, hayb-haybta iyo qolqolada laysku abaaliyay, nin jeclaysiga iyo eexda lagu kala soocay muwaadiniinta xaquuqda siman lahayd. Soomaalilanimada la habaabshay ee aanay daacada ka ahayn xukuumaddu, macaamilkii dunida ee tolmoona maantana taagta uu leeyahay aloosidiisa, safaaradii iyo dawladdi inna danayn jiray ee inaga jeestay dub u abaabulidooda. Shaqo abuurka dhallinyarada niyad jabka nolol xumada iyo mustqabal la’aanta baddaha isku guray rajo abuurkooda. Biyo la’aanta nolosha bulshada naafaysay xal u helideeda.

Barnaamijka Xisbiga Waddani wuu diyaarsanyahay bandhigiisa iyo bulsho ka iibintiisu waxay sugaysaa astaynta maalinta doorashada xukuumaddu dub u riday, sabab hadda looso bandhigaa ma muuqato waayo barnaamijku waa waxqabadka iyo isbedelka Xisbiga Waddani dalka ku hogaaminaayo waxaana lala sugayaa waqtigiisa iyo maalinta doorashada la shaaciyo.

Barnaamijka aad ku baanaysaan waxqabadka tirobeelay ee aad ku tiraabaysaan maxay kalsooni idiin siin waayeen aad doorasho ku qabataan oo aad ku kasbataan rabitaanka shacabka. in qarannimada jiritaanka dawladnimada la wiiqo haka filanina asxaabta mucaaridka ah. Waxay guushu ahayd in horumarka iyo doorshooyinka hore loo wado, Somaliland waxa looga baqayaa waa hogaaminta maanta talada dalka astaamaheediina qaarbadani soo baxeen, gobonnimaduse may ahayn qotonsadaye halay qodo.ha-karhina hana ka xumaanina haddi lasoo bandhigo dhaliil oo muddo xileedka xaaranta ah ee aad ku maamulaysan ummada korodhsiimada bilaa sababta ah laga dareen cesho, waa laydin xisaabinayaa waxaana xaq siiyay dastuurka in laydin xisaabsho oo laydin waydiiyo waxaad soo kordhiseen iyo waxaad dayacdeen.

Kulmiye talad dalka wuxuu ku fuulay karaahi, dhiig dhallinyarada ee mudaharaadka lagu daadshay ee aan Ramadaanta xitaa laga xishoon jirin, bulsho kala fogayn, qabyaalad iyo tolaay laysu habar wacday, mucaaridad aan xurmo iyo wanaag lahayn, hatigaad iyo hadal xumaan aan milge mucaarid ahayn. Dhaqankiinno sidaa ahaa damqasho iyo nuglaan muxaafid buuq iyo qiiq isku qarin wuxunbay markhaati u yihiin kursi jacaylka idin indho tiray ee idin ilawsiiyay gobonnimadii talada laydinku doortay, haddaad ku gulaysataan oo aad garoonka doorasho keentaan hawraarsan iyo hanbalyo, baqaha iyo doorasho diidku waa kalsoondi daro iyo fashilaad.

Shirka wada tashiga asxaabta mucaaridka ah waxa door laaxdle ka ciyaaraya bulshada lexejeclada ka qabta dalk, xilkii laydiin dhaarshay maydaan gudan doorashada hirgeliwayday masuuliyadeeda xukuumadda leh xaasha cidkale oo lagu xoq-xoqaa haba sheegin. Wada hadladii asxaabta iyo xukumadda hirgelin la’aantiisa waxa kaw ka ah xukuumadda cimri dherersiga u ham iyo digel. Halkii aad ka miisi jirteen waagii mucaaridada hudhii aad qaadatay madaxweyne xurmo daridii mucaaridada kolla lama yeelayo. Waxa loo tudhayaa shacabka sharafta badan waxa loo tudhayaa qarannimada dhiiga ku fadhida.

 

Af-hayeenka Dhallinyarada xisbiga Waddani.

Maxamed Sidiiq.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here