Wakiilka Somaliland U Fadhiya Sweden Oo Sheegay In Ay Fashiliyeen Falal Cadawtooyo Oo Lagu Waxyeelaynayay Somaliland

0
840

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda Stockholm ee caasimadda dalka Sweden Sekeriye Xasan Wacays, ayaa sheegay in ay fashiliyeen dhawr isku day  oo cadowgu  doonayay in uu ku   dibin-daabyeeyo qaaranimadda jamhuuriyadda Somaliland.

Falalkaasi la doonayay in lagu waxyeeleeyo Somaliland ayuu danjire Sekeriye ku tilmaamay in ay ahaayeen dabino ay soo maleegeen dawlado iyo ururo cadow ku ah jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ay ka mid tahay dawladd Xamar.

Danjire Sekeriye Xasan Wacays, waxa kaloo uu wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ka difaacay dhaliilo beryahan danbe loo soo jeedinayay oo la xidhiidhay in wasaaradu ka gaabisay hawlihii ay qaranka uga masuulka ahayd.

Waxaanu sheegay in guullo badan oo wax ku ool ah ay ku tallaabsatay mudooyinkan danbe, hase yeeshee waxyaabo badan oo wasaaradda khaarejiga iyo xafiisyadda dibadu ay qabteen aanay warbaahinta marin, maadaama oo ay yihiin sir qaran.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaan aaminsanahay sanadkii u danbeeyay shaqadda ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland qabatay, weliba gaar ahaan xafiiska Sweden uu qabtay in ay ahayd shaqo aan ka dhicin waxyaabihii la qabtay shantii sanadood ee u danbeeyay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ama wakiiladda xafiisyadda dibadu, maadaama shaqadda aanu haynaa  ay tahay sirtii qaranka, maadaama ay tahay xidhiidhkii aan la lahayn aduunyadda.

Waxaa  dhacda  in aanaan inta badan saxaafadda ka hadal, oo aanaan odhan waxaas ayaa dhacaya. Waayo? Marka sirtaadda iyo warkaaga la hello cadowgaaguna wuu kaa faa’iidaysanayaa”.

Sidoo kale danjire Sekeriye waxaa uu ka warbixiyay  qorsheyaal la doonayay in lagu curyaamiyo qaranimadda iyo horumarka jamhuuriyadda Somaliland oo ay fashiliyeen.

“Safaaradda Somalilnd ee Sweden cadow badan iyo Xadhko xumaan ah oo loo xidhayay  Somaliland ayay wax ka qabatay, waanan ka guulaysanay cid kastoo is lahayd dhibaatee ama lugta qabo horumarka Somaliland.

Waxaana ugu danbaysay tii dawladda Soomaaliya, oo la moodayay in fikirkeedii siyaasadeed ee ay dalkeedda iyo dadkeedda ku maamuli lahayd, in ay ku soo ururisay sidii ay lugta u qaban lahayd dawladdnimadda iyo qaranimadd jamhuuriyadd Somaliland.

Iyadoo ay geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuuleen dawladd Xamar  sidii ay Somaliland u waxyeelayn lahaayeen, oo ay xataa isku deyeen in ay Somaliland ka cuno-qabateeyaan dhaqaalaha dawladaha qaadhan bixiyeyaashu u soo mariyaan”ayuu yidhi wakiilka Somaliland ee Sweden oo u waray HCTV.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here