Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Shahaadooyin iyo Abaal Marino gudoonsiisay Shaqaalihii ugu fir fircoonaa Sanadkii tagay. + SAWIRRO

0
919

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maareeyaha Wakaalada Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa Caawa Xaflad Abaal Marin ah u Qabaney shaqaalaha Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ee mujiyey Dedaal, Daacadnimo, Hufnaan iyo hawl karnimo sanadkii aynu soo dhaafney ee 2015, kuwaas oo lagu abaal mariyey Abaal marino lacageed iyo Shahaado sharaf.

Wakaalada Biyaha 5

Xafladan oo lagu qabtay Hotelka Xaraf ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada wasaaradaha Beeraha, Dib u Dajinta , Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Banka Dhexe ee Somaliland. iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan.

Wakaalada Biyaha 3

Wakaalada Biyaha 6

Xafladan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis, Waxaanu Caawa Xaflad Abaal Marin ah u Qabaney shaqaalaha Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ee mujiyey Dedaal, Daacadnimo, Hufnaan iyo hawl karnimo sanadkii aynu soo dhaafney ee 2015, kuwaas oo lagu abaal mariyey Abaal marino lacageed iyo Shahaado sharaf, waxaanan leeyahay intii Nasiibka u heshay Hambalyo Hambalyo inta kalena waxaan u rajeynayaa in ay higsadaan sanadka dambe abaal marinada kale.” ayuu yidhi Ibraahim Siyaad

Wakaalada Biyaha

Wakaalada Biyaha 2

Maareeye Siyaad waxa uu intaasi raaciyay in uu wax badan ka qabtay shaqaalaha wakaaladiisa wax ana uu carabka ku dhuftay in ay hagaajiyeen maamulka iyo maareynta xafiiska wakaaladda, waxana uu yidhi “Shaqaalaha Waxbaanu ka qabanay, Maamulka waxbaanu ka qabanay, sidoo kale waxa aanu wax ka qabanay Biyo soo saarka” waxana uu intaasi ku daray “ shaqaalaha markaan ka qaado shaqaalaha waxsoosaarka waxaanu u kordhinay .

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Ibraahim

Masuuliyiinta Wakaalada Biyaha ayaa halkaasi Shahaadooyin kugudoonsiiyey Shaqaalihii .

Wakaalada Biyaha 4

 

 

 

 

Kalla Soco Wararka Dambe Warka Oo Dhameys Tirsan.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here