Booqashadii Dugsiga Xaaxi Boarding School Ee Tuulada Xaaxi. Gobolka Daad-Madheedh.+ SAWIRRO

0
1376

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaan nasiib u yeeshay inaan booqasho ku tagno Dugsiga Boarding ka ee Tuulada Xaaxi oo ka tirsan Gobolka Daad-Madheedj/Oodweyne, Dugsigaas oo ay wax ka bartaan arday Tiradoodu dhan tahay 120 Arday oo dugsigaas u hoyda oo waxbarasho Bilaash ahna ka hela iyo 30 arday oo iyaguna wax ka barta oo guryahooda ku carraaba. Socdaalkan oo ay igu wehelinayeen Saaxiibaday Garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex iyo Garyaqaan Waliid Yuusuf Axmed Saryan oo ka tirsan Wasaarada Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland.

 

Waxaanu Dugsigaas ku soo aragnay Arday aad u dedaalaysa oo hesha Waxbarasho Tayo leh, Cunto, Hu’ iyo Hoy nadiif ah.Waxaana jooga Macalimiin Aqoon heer Jaamacadeed leh oo hawlkar ah, Waxa Dugsigan qiimaha badan dhaqaalaha ku baxa bixiya dad Muxsiniin ah oo iskood isu xilqaamay oo dunida dacaladeeda ku nool oo deegaanka u dhashay.

12745849_10208102483233700_8719579868661671668_n

Waxa kale oo sharaf weyn ii ahayd inaan markii iigu horraysay soo arko Magaalada Oodweyne oo ah magaalo Guun ah oo taariikhi ah. Waxaanu aad ugu Mahadnaqayaa Maamulka iyo Macalimiinta Dugsigaas oo si sharaf leh noo soo dhaweeyay. Waxaa kale oo aan u Mahadnaqayaa dadka deegaankaas ku nool oo noo Loogay si xushmad iyo karaamo lehna noo qaabilay.

12790864_10208102483193699_5786152518314873826_n

Deegaanada Xaaxi iyo Nawaaxiga Oodweyne waxaa ka muuqatay siigo cas iyo abaar bilow ahayd iyo biyo yaraan, waxaanan Allah uga baryayaa inuu Abaarta inaga jebiyo oo raxmadiisa inoo shubo. Aamiin.

10653296_10208102483273701_2926783367642968716_n

Ugu danbayn waxaan u Mahadnaqayaa Allahna aan Ajar u weydiinayaa Garyaqaan Axmed Dalmar iyo Gudida iskuulkaas kaalinta Samofalka ah ee ay dugsigaas ku hagaan kuna Caawiyaan ardaydaas yaryar ee Mustaqbalkooda dhisayaan, waxaanan ku boorrinayaa inay dedaalka halkaas kasii wadaan. Dhamaanteena aynu gacan ka geysano.

 

 

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here