Wajeer: Shirkad Caanaha Geella Dibadda U Dhoofisa

0
1058

Wajeer (Hargeisa Press.com): Ganacsato Soomaali ah oo ku nool magaaladda Wajeer ee woqooyi Bari dalka Kenya ayaa noqday ganacsatadii u horeeyay oo caanaha Geella u dhoofiya wadanka dibadiisa.

Shirkad la yidhaahdo Wajir Milk Traders oo ka hawl gala magaaladda Wajeer ayaa ku guulaystay in ay caanaha Geella u dhoofiyaan gobolka Scotland.

Tallaabadaasi oo ah wax ku cusub gobolka Waqooyi bari Kenya oo inta badan caanahooda lagu iibiyo gudaha dalka iyo guud ahaanba dhulka Soomaalida.

Faaduma Cusmaan Axmed, oo ah mulkiilaha shirkada Wajir Milka Traders  ee caanaha u dhoofisa Scotland, ayaa ka warbixisay sida ay arrintan ugu suuragashay.

“Waxaa na soo booqday hay’ado kala duwan.  Waxay naga ururiyeen warbixinno iyo xog,  kuwaasoo ku shaaciyay website-yada, halkaas ayaanan macaamiisha ka helnay” ayay tidhi Faadumo Cusmaan, oo u warantay warbaahinta magaaladda Wajeer ka hawl gasha.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi “Halkan aan joogna ayaa lagu habeeyaa, marka hore kaddib anaga oo raacayna sharciga ka jira dalka ayaa waxa qaata macaamiisha.

Caanaha Geela ayaa  la sheegaa in ay   faa’iidooyin badan leeyihiin oo ay ka mid tahay in ay daaweeyaan cuduro badan.

Sida ay sheegayso Faadumo “Caanaha Geela waxay daaweeyaan cuduro badan sida xanuunada kansarka, sonkorta iyo dhiikarka.

Sidoo kale caanaha Geela ma halaabayaan haddii ay muddo yaalan, waxaana laga helaa faa’idooyin badan oo aanan laga helin xoolaha kale, fa’iidooyinka gaarka ah ee aan aniga ka helay iibinta ama suuq gaynta caanaha ayaa ah inaan hadda hormar ku tilaabsannay oo aanan joogin meeshii aan ka bilaawnay.

Hore-na baannaanka ayaan ku iibin jirnay balse hadda waxaan ku howlgalnaa xarun iyada oo ay hay’ad noo balanqaaday inay noo dhisto xarun weyn”.

Faadumo Cismaan Cali, waxa kaloo ay tilmaanaty in caqabado badan ay kala kulmaan sidii ay caanaha ugu suuq gayn lahaayeen caalamka, kuwaasoo ay ka mid yihiin iyagoon wax taageerro ah ka helin dhanka dawladda.

“Waxa la rabaa in wax soo saarkaada aad u samaysid ama aad ka fikirtid sidii aad suuqyada kale ee caalamka  u gayn lahad.

Dhibaatooyin badan ayaa ka hor yimaada maadama aysan badanaa dadkan haysan taageero dhanka dawladda ah taasi oo niyad jab ku ah.

Balse haddii la raaco sharciyada waxaan aaminsanahay in wax soo saarka la gayn karo suuqayada kale ee Caalamka” ayay tidhi Faadumo Cismaan.

Geesta kale ka manaafacaadsiga  Geela ayaa sanadihii danbe  noqday mid ku sii kordhayay degaamada Soomaalida.

Iyadoo mudooyinkan danbe Caanaha Geela ay ka mid ahaayeen waxyaabaha ugu faa’ido badan ka helaan dadka Geela dhaqda, gaar ahaana ganacsatadda qaabka casriga ah u dhaqa Geella.

Hase yeeshee waxay noqonaysaa markii u horaysay oo taariikhda Caanaha Geela loo dhoofiyo wadamo dibadda ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here