“Guusha Xisbiga SDP Waa Guusha Somaliland”… Danjire Saamiya Muuse

0
803

Helsinki (Hargeisa Press.com):  Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Finland Marwo Saamiya Xaaji Muuse, ayaa ka hadashay muhiimadda siyaasadeed ee Somaliland ugu jirta guusha uu xisbiga SDP ee ka gaadhay doorashadii dalka Finland ka dhacday Axadii todobaadkan

Saamiya Xaaji Muuse,  oo xubin ka ah xisbiga SDP (Social Democradic Party) oo u wakiishay in ay ka mid noqoto muraaqibiintii xisbigaas uga qayb galay doorashaddii 26 May 2019 dalkaas ka qabsoontay ayaa si weyn u hambalyaysay Mr. Tero Heinäluoma,  ku guulaystay  doorashadi baarlamaanka Midawga Yurub.

Waxaanay sheegtay Saamiya,  in Mr. Heinäluoma, uu diyaar u yahay in uu kala shaqeeyo taageeradda qadiyadda Somaliland, isla markaana markii lagu dhawaaqay guusha Mr. Heinäluoma, ay hambalyo u dirtay iyadoo ku hadlaysay magaca Somaliland.

Sida lagu sheegay war kooban oo qoraal ah oo ay soo saartay Saamiya Muuse, waxaanu tidhi  “Waxaa sharaf weyn noo ah in uu ku guulaystay  doorashadi baarlamaanka Midawga Yurub Mr. Tero Heinäluoma,  oo hore u ahaa goddoomiyaha baarlamaanka Finland,  kuna guulaystay codka ugu badan dalka Finland. Iyadoo aan si dhaw ugala shaqeeyey ololihiisii doorashadda.

Markii guushaas lagu dhawaaqay ayaan si farxad leh ugu hambalyeeyay. Amigoo ku hadlaya magaca Somaliland, isla markiibana ka dareen celiyay mahad naqaas, kuna dhawaaqay erayadaas.

Natiijadii maanta (shalay) waxay muhiim u tahay Europe iyo Somaliland oo aan la nahay saaxiib weyn. Somaliland oo ay  inaga dhaxayso xidhiidh iskaashii oo aad u fiican muddo dheer. Waxaanu ku daray inuu u diyaar u yahay taageeradda halganka qadiyadda Somaliland”.

Marwo Saamiya, ayaa intaas ku dartay in ay habeen hore kulan la yeelatay Mr.  Tero Shemeikka,  iyo Mr.   Luis Ayala, oo ah xoghayaha guud ee ururka caalamiga ah ee bulshooyinka.

“Waxaa sharaf weyn ii ahayd xalay  in aan kulan fiican wada qaadanay Mr.  Tero Shemeikka,  xoghayaha arrimaha caalamiga ah ee xisbiga SDP iyo Mr.   Luis Ayala, oo ah xoghayaha guud ee ururka caalamiga ah ee bulshooyinka (The Secretary-General of the Socialist International Organization) oo ka soo qayb galay doorashaddii  baarlamaanka Finland oo shalay (doraad)  ka dhacday dalka Finland”ayay ku soo xidhay hadalkeedda wakiilka Somaliland ee Finland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here