Wafti Madax-dhaqameed Ah oo Ka Socda Somaliland oo Gaadhay Magaalada Jigjiga

0
1114

Jigjiga (Hargeisa Press)- Wafti isugu jira Salaadiin iyo Madax-dhaqameed oo ka socda Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waftigan oo uu hogaaminaayo Suldaan Cabdiraxman Dhawl ayaa waxa ay ka kooban yihiin Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Boqor Cismaan Buurmadow, Suldaan Salmaan.

Dhinaca kale, Waftigan isugu jira Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka ayaa waxaa magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed iyo Suldaan Naasir.

Ujeedka Wafdigan ayaa ah ka qayb galka Caleema Saarka Garaad Bashiir Garaad Makhtal Daahir oo maalinta berito ka dhacaya Magalaada Dhagaxbuur ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here