Waa Maxay Warbixinta Somaliland Laga Diyaariyey ee geeyey Xarunta Qaramada Midoobay ee New York?

0
982

Hargeysa,(HargeisaPress)—Warbixin laga diyaariyey Sooyaalka Somaliland iyo halka ay maanta marayso dhinac kasta oo laga eego, ayaa lagu soo bandhigay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Maraykanka, taas oo ay halkaas ku soo bandhigeen.

Maalintii Arbacada kulan ka dhacay magaalada New York, ayaa lagu soo bandhigay Warbixin laga diyaariyey Somaliland oo ku saabsanayd Yoolasha Horumar Waara gaar ahaan Yoolka 16aad ee Somaliland.

Warbixintan oo ay diyaariyeen Isbahaysiga Yoolka 16aad ee Somaliland (Somaliland SDG16+ Coalition), ayaa warbixinta Somaliland waxay fursad u heshay inay ka mid noqoto afar dal oo si gaar ah warbixinnadooda loo dhegeystay.

Warbixinta waxaa kulankaas ka jeediyey xubno ka socday Somaliland oo ay ka mid yihiin Mustafe Sacad Dhinbiil, Cabdijaliil Daahir Afqarshe iyo Ismaaciil Xuseen Farjar oo dhammaantayo aan metelaynay Isbahaysiga Yoolka 16-aad ee Somaliland (Somaliland SDG16+ Coalition).

Dhegeysiga warbixintan ayay ka qaybgaleen diplomaasiyiin, hay’ado caalami ah iyo ururrada bulshada rayidka ah oo daafaha caalamka ka kala yimi.  Waxaana is hareer socday intii kulankii socday, in dad badani xiisaynayeen inay wax ka ogaadaan sheekada Somaliland, iyaga oo suaalo weydiinayey teamka.

Waxaan shalay hadal ka jeediyey Machadka Nabadda ee Caalamiga ah, International Peace Institute aniga oo metelaya Somaliland. Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay fursad u heleen inay Qaramada Midoobay gaadhsiiyaan warbixin laga diyaariyey Yoolka 16aad “Somaliland SDG16+ Progress Report”.

Haddaba, bal warbixintaas iyo waxay daarrantay si aynu xogo dheeraad ah uga helno, waxa Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo Tifaftire ka ah Baddacas24 TV, ayaa Khadka kula xidhiidhay Guddoomiyihii hore ee Dalladda SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo ka mid ah Xubnaha Warbixintaas ku soo bandhigay New York, waxaanu Waraysigaas oo dhammaystirani u dhacay sidatan:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here