Ururka Dhakhaatiirta Somaliland oo War Ka Soo Saaray Mishiinka Lagu Baadho Coronavirus Ee La Sheegay Inaanu Shaqaynayn

0
2008

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ururka dhakhaatiirta Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd war ka soo saareen mishiinka shaybaadhka ee lagu baadho xanuunka Coronavirus ee la sheegay inaanu shaqaynayan.

Ururka dhakhaatiirta Somaliland ayaa sidaasi ku sheegay war-murtiyeed ay goordhawayd soo saareen oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Warbaahinta Hargeisapress.com waxaa uu u dhigna sidan:-

Ururka dhakhaatiirta Somaliland waxay bulshada u cadaynayan in ay tahay warbeen abuur ah in aan lugu kalsoonaan kareyn shaybaadhka PCR ee dalkeena.

Ururku waxa uu dhaleecaynayaa in shaqsiyaad aan ahayn mihnada dhakhtarnimo iska sheegato isla markaana bulshada la hadlo.

Ururku wuxuu bulshada la socodsiinayaa in ay socoto dabagalka arrintan bulshadana dib kala wadaagi doonto wixii ka soo baxa

Ururka dhakhaatiirta Somaliland wuxuu hambalyeynayaa talaabada ruqsada lagala noqday liisanka xaruntaa .

Ururku wuxuu ugu dambeyn u soo jeedinayaa in hayadaha sharcigu ka qaadaan talaabooyinkii ku haboonaa,  hay’ddaha warbaahinta waxaanu u soo jeedinaynaa in aanay soo gudbin warbixino khatar gelin kara caafimaadka bulshada.

Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Maxamed

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here