Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Maamule Iyo Maamule Kuxigeen Umagacaabay Kastamka Magaalada Saylac+ Magacyadooda

0
2204

Hargeisa (HargeisaPress)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland dr. Sacad Cali Shire ayaa magacaabis, isku badal iyo xilka qaadis ku sameeyay qaarkamid ah maamulayaasha kastamada cashuuraha Somaliland .

Wasiirka Sacad Cali Shire ayaa kastamka sedexaad ee dalka ee Saylac u magacaabay maamule iyo maamule kuxigeen ah kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin.

Maamule Maxamed Cilmi Ismaaciil iyo Maamule kuxigeen Jamaal Ciise Obsiiye.

Laba masuul ee loo magacaabay kastamka saylac ayaa ah laba masuul oo dhalinyaro ah aqoon fiicana uleh maamulka kastamiska somaliland iyagoo kasoo shaqeeyay kastamo kala duwana oo gobolada dalka ah.

Sidoo kale Maxamed Cilmi Ismaaciil Iyo Jamaal Ciise Obsiiye oo loo Magacaabay maamulaha iyo maamule ku xigeenka 1aad Ee kastamka Saylac.

Ka sokow xeeldheerida aqooneed ee ay u leeyihiin nidaamka iyo hannaanka cashuureed ee customs ka waa laba masuul oo sharaf iyo karaamo badan ku leh guud ahaanba Qaranka iyo Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanna Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Maamulka cusub ee kastamka magaalada saylac ayaa la  filayaa in ay waxbadan soo kordhin doonaan iyagoo lagu wado in ay dardar galiyaan shaqada kastamka islamarkaana ay qor uqaadaan dakhliga kastamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here