UNFPA oo Walaac Ka Muujisay Gabadhii Yarayd Ee Kufisiga Loogu Gaystay Xarunta Agoomaha Hargeysa

0
3126

Muqdisho (Hargeisa Press)- Wakiilka hay’adda UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomsen ayaa waxaa uu si weyn u canbaareeyey kufsigii xarunta Agoomaha Hargeysa loogu gaystay gabadh yar oo xaruntaasi ka tirsanayd.

Qoraal uu soo saaray wakiilka UNFPA ee Soomaaliya ayaa lagu muujiyey sida ay hay’add ahaan uga walaacsanyihiin kufsiga Gabadhaasi yar iyo cabashooyinka Dumarka ee la xidhiidha tacadiyada kala duwan.

Anders Thomsen ayaa sheegay in garab taagan yihiin ehelada Gabadhaasi yar ee kufsiga loogu gaystay xarunta Agoomaha Hargeysa.

Waxa ay wakiilku ku baaqay in nidaam garsoor oo cadaalad ahi oo la xidhiidha kufsiga Gabadhaasi dhaco.

Dhinaca kale, waxaa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay si dhamaystiran u hirgeliso xeerka xakamaynta kufsiga.

Qoraalka hay’adda Wakiilka hay’adda UNFPA ee Soomaaliya ayaa u dhignaa sidan:-

“Waxa aanu si xoog ah u canbaaraynaynaa kufsiga dhowaan loo geystay inanta yar ee 13 jirka ah ee ka tirsan xarunta agoomaha Hargeysa.

Waa walaac xoog badan in ay wali socdaan cabashooyin ka dumarka ee la kulmaya tacadiyada kala duwan ee la taxaluqa jinsiga” UNFPA waxay garabtaagan tahay ehelada gabadhaas yar.

Waxaanu Codsanaynaa in haya’ddaha baadhistu dedejiyaan hawlahooda.

Waxaanaanu ku baaqaynaa in Nidaam garsoor oo sugani dhaco. UNFPA waxay ku baaqaysaa in si dhamaystiran
loo hirgeliyo xeerka xakamaynta kufsiga, Kaas oo hada jira sharcigu wuxuu muhiim u yahay ka hortaga tacadiyada jinsiga”.ayuu yidhi wakiilka hay’adda UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomsen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here