UCID Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Wax Qabad La’aanta Gobolka Sanaag

0
388

Ceerigaabo (HP): Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ku dhaliilay xukuumadda talladda Somaliland haysa in ay aanay waxba ka qabanin kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka Sanaag oo ay dayacaad weyni ka muuqato.

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Keyse C/laahi, waxa uu sheegay in gobolka Sanaag gaar ahaana magaaladda Ceerigaabo aanay ka fulinin mashaariic horumarineed, isla markaana uu gobolkaasi ka arradan yahay gebi ahaanba adeegyadda bulshadda.

Waxaanu  ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Biixi in gebi ahaanba gobolka Sanaag gaar ahaana magaaladda Ceerigaabo aanay waxba ka qabanin.

Yuusuf Kayse C/laahi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad soo dhawayn ah oo loogu sameeyay isaga iyo wefti uu hogaaminayo oo saaka lagu soo dhaweeyay xarunta xisbiga UCID ee magaaladda Ceerigaabo, kadib safar ay xalay ku tegeen Ceerigaabo.

Safarkaasi ayuu u jeedadiisa ku sheegay mid lagu dar-dar gelinayo hawlaha xisbiga ee gobolka Sanaag. Waxaanu uga mahad celiyay masuuliyiinta xisbiga ee Ceerigaabo soo dhawaynta ay u sameeyeen.

DAAWO: WARKAASI:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here