UCID iyo Waddani Oo Eedo U Jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Biixi

0
350

Hargaysa (HP): Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Biixi, in ay farro gelin ku hayso hanaanka doorashooyinka dalka iyo murashaxiinta xisbiyadaasi u tartamaya.

War-murtiyeed ay maanta si wada jir ah u soo saareen UCID iyo Waddani waxay ku sheegeen in xukuumadu ay xidh xidhay murashaxiin xisbiyadaasi uga tartamayay goleyaasha Wakiiladda iyo degmooyinka dalka.

Tallaabadda lagu xidh xidhay murashaxiintoodda ay labadda xisbi mucaarid ku tilmaameen mid sharci darro ah, isla markaana farro gelin iyo meel ka dhac ku ah xeerarka doorashooyinka iyo dastuurka Somaliland.

Sidoo kale mar-murtiyoodkoodda ayay labadda xisbi mucaarid waxay baaq u direen beesha caalamka in wel-wel ka soo food saaray doorashooyinka isku sidkan, isla markaana uu mad-madow ka soo food saaray sidii loo heli lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah.

War-murtiyeedkaasi oo ka koobnaa todoba qodob ayay sidoo kale UCID iyo Waddani ku cadeeyeen mawqifkoodda ah in aanay u dul qaadan doonin tallaabooyinka ay xukuumadu kula kacayso murashaxiintoodda.

War-murtiyeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here