Somaliland: Xukuumadda Ka Jawaabtay Eeddo Uga Yimid Xisbiyadda Mucaaradka ah

0
396

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay eeddo ay u jeediyeen xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani oo la xidhiidhay murashaxiin ka tartamaya labadaasi xisbi oo la xidhay.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aan ku koobnayn xisbiyadda mucaaridka ah oo kaeliya, balse ay sidoo kale jiraan murashaxiin laga xidhay xisbiga Kulmiye.

Saleebaan Cali Koore, waxa uu sheegay murashaxiinta laga xidhay xisbiyadda mucaaradka qaarkood lagu helay denbiyo culus oo ka dhan ah qaranimadda Somaliland, isla markaana ay maxkaduhu ka cadeeyeen denbiyadaasi.

Sidoo kalena murashaxiinta laga xidhay xisbiyadda mucaaridka qaarkood oo lagu waayay in ay wax denbi ah in markii danbe la sii daayay, halka qaarkoodna denbiyadda lagu helay ay yihiin kuwo fudud.

Geesta kale wasiirka warfaafintu waxa uu ka hadlay doorashooyinka la filayo in ay dabayaaqadda bishan May dalka ka qabsoomaan oo uu tilmaamay in ay ka duwan yihiin doorashooyinkii hore dalka uga qabsoomi jiray.

Doorashooyinkaasi oo uu ku tilmaamay in ay muhiimad weyn u leeyihiin guud ahaanba gobolka Geeska Afrika, isla markaana xisbiyadda mucaaradka ah iyo bulshadda reer Somaliland ba looga baahan yahay in ay si gaara u ilaashadaan arrintaasi.

Sidoo kale Saleebaan Cali Koore, ayaa kula dar-daarmay qaybaha kala duwan ee warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo ta dawliga ahba in ay bulshadda ku baraarujiyaan muhiimadda ay doorashooyinkaasi dalka iyo dadkaba u leeyihiin.

 

DAAWO : Hadala Wasiir Koore:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here