“U jeedadda socdaalkayagu waxay tahay in cidii buurraha oodatay ay farraha ka qaado”…

0
294

Sheikh (HP): Maayar ku-xigeenka degmadda Sheekh oo ay wehelinayeen masuuliyiin iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmadaasi ayaa soo kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaadda degmadaasi.

Deegaamadda Raarri, Girni, Tuullo-Gunbuur, iyo deegaamo kale dhamaantoodba hoos yimaadda degmadda Sheekh, ee gobolka Saaxil.

U jeedadda socdaalka ay maayar ku-xigeenka Sheekh iyo masuuliyiinta la socday deegaamadaasi ku soo mareen ayaa la xidhiidhay sidii ay bulshadda uga wacyigelin lahaayeen Oodashadda sharci darrada ah ee dhul-daaqsimeedka.

Sida uu sheegay maayar ku-xigeenka degmadda Maxamed Faarax Axmed, oo hadal u jeediyay bulshadda deegaamadii ay kormeerka ku soo mareen maanta.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here