Turkiga oo Ka Hor-yimid Tallaabo Uu Qaaday Ruushku

0
478

Ankara (Hargeisa Press) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay ka soo horjeeddo go’aanka uu Ruushku ku goostay afar gobol oo ka tirsan Ukraine, waxayna intaasi ku dartay in go’aankan uu “xadgudub halis ah” ku yahay sharciga caalamiga ah.

Turkiga oo xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO, ayaa qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo isku dheeli tiran tan iyo markii Ruushku uu duullaan ku qaaday Ukraine 24-kii February.

Ankara, ayaa ka soo horjeedda cunnaqabateynada reer galbeedku saaray Ruushka iyadoo xidhiidh wanaagsan la leh Moscow iyo Kyiv oo ah deriskeeda dhinaca Badda Madow.

Waxa uu Turkigu sidoo kale dhaleeceyay duullaanka Ruushka, isaga oo diyaaradaha hubeysan ee aan duuliyaha laheyna u diray Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa sheegtay in aanay aqoonsanayn goosashadii Ruushku uu 2014-kii kula wareegay gacanka Crimea, iyadoo intaasi ku dartay in ay diidan tahay go’aanka Ruushku ku qaatay afarta gobol ee Ukraine ee kala ah Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia.

“Go’aankan, oo ka dhigan xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da la dejiyey ee sharciga caalamiga ah, waa mid aan la aqbali karin,” ayay wasaaraddu ku tidhi qoraal ay soo saartay.

“Waxa aan ku celinaynaa taageeradeenna in xal loo helo dagaalkan, xalkaasi oo ku salaysan hab nabad ah oo lagu gaadhi karo wadahadal.”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay go’aanka uu Ruushku ku goostay gobolladan ka tirsan Ukraine, waxaana uu ballan qaaday in Moscow ay ku guuleysan doonto “howlgalkeeda milateri ee gaarka ah” xilli uu wajahayo dagaal culus oo kaga imanaya dhinaca Ukraine.

Ku dhawaaqistiisa, ayaa timid markii uu Ruushku qabtay waxa uu ugu yeedhay aftida goobaha uu ka qabsaday Ukraine. Dowladaha reer galbeedka iyo Kyiv ayaa sheegay in codeynta aftidaasi ay jebisay sharciga caalamiga ah ayna ahayd mid qasab ah oo aan matalaad laheyn.

Mareykanka, Britain iyo Canada, ayaa ku dhawaaqay cunnaqabateyno cusub oo ay saareen Ruushka taasi oo ay kaga jawaabayaan tallaabada ay Moscow ku goosatay afartan gobol ee Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelenskiy, ayaa Jimcihii sheegay in dalkiisu uu gudbiyay codsi degdeg ah oo uu ku doonayo in uu ku biiro Gaashaanbuurta NATO, isaga oo meesha ka saaray in aanu wadahadal nabadeed la yeelan doonin Ruushka inta uu Putin dalkaasi madaxweyne ka yahay.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here