Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta Loo Sameeyay

0
1460

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ka hadlay muddo kordhinta labada sano ah ee muddo xileedkiisa loogu daray ee ay saaka u sameeyeen Golaha Guurtida Somaliland.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in aanu jirin xeer qeexaya waxa la yeelayo hadii doorashooyinka urruradu wakhtigooda dib uga dhacaan, lakiin xal loo hayo doorashada Madaxweynaha iyo Guurtida.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in hadii xisbiyada wakhtigoodu dhamaado aan loo kordhin karayn, oo ay khasabtahay in doorashadooda la galo, xeerkii mudada loogu kordhin lahaa oo aan jirin awgeed.

“Doorashooyinku hadii ay qabsoomi waayaan, saddex doorasho ayaa yaala, ta 1aad ee xisbiyada, hadii ay 10 sanno ka dhamaato xeerka uu baarlamaanku meel mariyay muu sheegin hadii wakhtigooda la qaban waayo halka loo marayo, markaa qaranka waxa ku waajib ah in wakhtigeedii la qabto” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxaa uu sheegay in doorashooyinka Madaxweynaha iyo Guurtida uu sharcigu sheegay halka loo marayo hadii ay wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan, isaga oo uga jeeda in loo kordhin karayo mudada madaama oo uu jiro xeer sida tilmaamaya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay sharci tahay in 10 kii sannoba mar la furo urrurada siyaasada, isla markaana doorashooyinku sida ay usoo kala horaynayaan loo raacayo sharciga oo loo sameeyay hay’addo ay kamid yihiin guddida diwaangalinta urrurada siyaasada iyo gudda doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxa uu sheegay in hay’addaha doorashadu ay haystaan madaxbannaani buuxda oo sharcigu siiyay, isla markaana anay cidna ku farogalin karin shaqadooda, isaga oo intaa ku daray in nabada Somaliland ay tahay mid taama doorashooyinkiina la galayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here